Xusni Mubaarig oo dib Loo Maxkamadeynayo

Masar (Somaliland.Org)-Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak, ayaa mar labaad dacwadiisa dib loo bilaabayaa iyadoo lagu eedaynayo inuu joojin waayay dhimashada boqolaal qof oo la dilay iyagoo mudaaharaadayay xiligii kacdoonka Masar ee xukuumadiisa lagu riday.

Maxkamada racfaanka ayaa amartay in dib loo qabto dacwadiisa.

Bishii June ayaa maxkamad ku xukuntay Mubaarak xabsi noloshiisa inta ka hartay.Waxaa lagu helay danbi inuu masuul ka ahaa dilka ay gaysteen ciidamada ammaanka si ay u joojiyaan kacdoonka.

madaxii hore ee ammaanka ee dowladdii Mubaarak oo isagana lagu xukumay xabsi noloshiisa inta ka hadhay ayaa dacwadiisa mar labaad la qabanayaa.

Xigasho:BBC-SOMALI