Wasaaradda Caafimaadka oo Kooto u kala dirtay deegaamadda Maroodi-jeex oo Jadeeco ka dilaacday

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasaarada Caafimaadka Somaliland ayaa ku dhawaaqday in gobolka Maroodi-jeex uu ka dilaacay xanuunka jadeecada, isla-markaana wasaaradu bilowday hawl-galo ayay kaga hortagayso Fiditaankiisa.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qowdhan oo shir-jraa’id ku qabatay xafiiskeeda magaalada Hargeysa ayaa tafaasiil ka bixisay xanuunkan, waxaanay tidhi “Wasaarada Caafimaadku waxay shacabka gobolka Maroodi-jeex ugu baaqaysaa inuu gobolka Ka dilaacay cudurka Jadeecadu, taasi oo Wasaarada caafimaadku ay fulinayso hawlgallo ay kaga hortagayso inaanu xanuunkaasi inagu fidin, waayo waa xili jiilaal ah oo aynu filayno inay bilaabmayaan roobabkii gu’gu.”

Wasiir Ku xigeenka oo hadalkeeda sii watay waxay tidhi “Markaa waxaanu ugu baaqaynaa hooyo kastaa oo dareentaa inay addeegyada jadeecada ka helayso Gobolka, tagtana goobta caafimaad ee ugu dhow, halkaana waxay ka helaysaa tallaalkii carruurta ee jadeecada.”

Wasiir ku xigeenku wasaarada caafimaadka, waxa kale oo ay sheegtay in kooxo Caafimaadka ahi ay u baxeen deegaanada miyiga si ay carruurta u tallaalaan.

“wasaarada caafimadka waxay waxay howl wadeeno caafimaad u dirtay deegaanada miyiga ee gobolka Maroodi-Jeex, si ay caruurta ku dhaqan degaanada miyiga uga soo talaalaan cudurkan Jadeecada dilaaga ah ee dilaacay” ayay tidhi Marwo Nimco Xuseen Qawdhan.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa