Sirdoonka Soomaaliya Oo Sheegay In Sarkaalkii Faransiiska ahaa ee u af-duubnaa Al-shabaab uu dhintay

France (Somaliland.Org) — Saraakiil ka tirsan hay’adda sirdoonka Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalkii Faransiiska ahaa ee ay Al-shabaab faduubka ku haysay muddada ka badan saddexda sano lagu dilay howgalkii fashilmay ee la doonayay in lagu furto.

Wakaaladda wararka Mareykanka ee AP ayaa qortay maanta qortay in saraakiil ka tirsan sirdoonka Soomaaliya ay u xaqiijiyeen inuu dhintay Denis Allex oo ahaa sarkaalkii Faransiiska ahaa ee Al-shabaab gacanta ugu jiray.

“La-haystihii Faransiiska ahaa iyo raggii Al-shabaab ka tirsanaa ee gacanta ku hayay waxay ku dhinteen weerarka, goobtii lagu hayayna waa la burburiyay. Sidaa daraadeed ma jirto arrin xaqiijinaysa inuu nool yahay,” ayuu yidhi sarkaal magaciisa qariyay oo la hadlay AP.

Siday faafisay shabakadda Hiiraan Online oo aanu warkan ka soo xiganay Sarkaalkan ayaa intaas ku daray in wararka ay helayaan ay muujinayaan in la dilay sarkaalka iyo dhammaan xubnihii Al-shabaab ee gacanta ku hayay, isagoo xusay inaanu jirin war xaqiijinaya inuu weli nool yahay sida ay Al-shabaab sheegtay.

Faransiiska ayaa sheegay in laba askartooda ah iyo Denis Allex lagu dilay weerarkii fashilmay ee habeen hore ay ciidamada gaarka ah ee Faransiiska ku qaadeen saldhig ay Al-shabaab ku leedahay tuulada Buulo Mareer ee koonfurta Soomaaliya. Al-shabaab ayaa iyadu ku adkeysanaysa in sarkaalka u afduubnaa muddada dheer uu weli nool yahay ayna noloshiida dhawaan go’aan cad ay ka qaadan doonaan.

Somaliland.Org/Muqdisho