Hal qof oo ku dhintay Gaadhi ku Gadoomay Jidka u dhaxeeya Caynabo Iyo Burco

Caynabo(Somaliland.Org)- Shil baabuur oo maanta ka dhacay Jidka u dhaxaysa Caynaba iyo Burco ayaa waxa ku geeriyooday darawalkii madaxa Kastamka Laascaanood, waxaana ku dhaawacmay 7 qof.

Baabuurkan qalibmay oo noociisu ahaa Surf dawladdu leedahay oo ku dhacay goobta loo yaqaan Buundada Qoryaale oo dadka dhintay iyo dadka ku dhaawacmay shilkan ayaa dhamaantood ahaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyada ee Gobolka Sool oo imtixaan ka soo galayay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

Waxa gurmad sameeyay mas’uuliyiinta ciidanka booliska iyo kastamka magaalada Caynaba, waxaana lagu aasay ninkii ku dhintay shilkan magaalada Caynaba, iyadoo dhaawiciina la geeyay cisbitaalka guud ee magaalada Burco.

Somaliland.org/Burco