Badhasaabka Togdheer Oo Kulan La Yeeshay Jaaliyada Somaliland ee ku Dhaqan Birmingham

Birmingham -(Somaliland.org) Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Md, cabdoo Axmed Aayir ayaa la kulmay jaaliyada Somaliland ee magaalada Birmingham ee cariga ingiriiska.

xaflad aad loosoo agaasimay oo ay jaaliyadu qaban qaabisay ayaa lgu qaabilay gudoomiyaha gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir oo booqasho ku tagay dalka ingiriiska. Xafladan oo aanay u kala hadhin jaaliyada Somaliland eek u dhaqan magaalada Birmingham dhalinyaro.waayeel,rag iyo dumar ayaa waxaa halkaa warbixin dheer oo dhinacyo badan taabanaysa lagaga dhagaystay kana soo jeediyay gudoomiyaha Gobolka Togdheer waxaanu jaaliyada uga waramay halka maanta dalku marayo gaar ahaan gobolka Togdheer iyo waxyaabihii u qabsoomay intii uu gudoomiyaha ahaa.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer ayaa sheegay in dalku soo maray doorasho deegaan oo meelaha qaar hadal ka abuurtay balse wuxuu dadka gobolka Tohdheer ku amaanay in doorashadaasi si wanaagsan ugu qabsoontay isla markaana hadal la’aan ugu dhamaatay.

Geesta kale gudoomiye Cabdoo Axmed Aayir ayaa usoo jeediyay jaaliyada Somaliland ee uu la kulmay inay ka shaqeeyaan horumarka dalkooda isla markaana ay iska xil saaraan siday dalkooda wax ugu tari lahaayeen. Jaaliyada Somaliland ee magaalada Birmingham ayaa dhankooda u balan qaaday gudoomiyaha inay wax kala qabanaaan arimaha bulshada ee gobolka Togdheer.

Somaliland.Org/London