Xukuumadda Somaliland oo Wefti Miisaan leh u diray Aaska Marxuum- Jaamac Xayd

Hargeysa (Somaliland.Org)-Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa manta u kicitamay dalka Jabuuti oo ay kaga qayb gelayaan tacsida iyo aaska qaran ee magaaladaa loogu samaynayo gudoomiyahii Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda jabbuuti Marxuum Jaamac Maxamuud Xeyd oo habeenkii xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Weftigan oo ka kooban wasiirka wasaaradda Maaliyadda Md Cabdicasiis Maxamed Samaale, marwada madaxweynaha Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, Wasiirka Arrimaha dibada Md Maxamed Cabdilaahi Cumar, warfaafinta, Abiib Diiriye Nuur, Madaxtooyada Xirsi cali Xaaji Xasan, waxbarashada Marwo Samzam Cabdi Aadan, wakiil ah Madaxweynaha, shacabka iyo dawladda Somaliland ayaa kala qayb qaadan doona shacabka iyo dawladda deriska ah ee Jabuuti Aaska qaran ee loo samaynayo marxuumka.

Dhanka kalena mas’uuliyiintan ka tirsan xukuumadda Somaliland waxay gaadhsiinayaan Madaxweynaha jamhuuriyadda jabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle, dawladda iyo shacabka dhambaal tacsiyadeed oo tiiraanyo leh oo ay ka sidaan Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Somaliland.Org/Hargeysa