“Suldaanku Tallo Soo Jeedin Buu Leeyahay, Annuguse Ma hayno wax dib u dhigaya Ciyaaraha….”

Hargaysa (Somaliland.Org) Wasiirka wasaarada dhalinayarda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Mudane Cali Siciid Raygal ayaa sheegay in aanay jirin illaa hada wax iska bedel ah oo ku dhacay xilligii ay ugu tallo galeen inay ku qabsoomaan ciyaaraha gobolada dalka oo lagu wado inay Hargeysa ka furmaan 15-ka Bishan. Wasiirku waxa uu intaa ku daray in aanay jirin wax qabsoomida ciyaaraha dib u dhigaya oo ay xukuumadu ka wada hadashay ama madaxwaynaha iyo wasiirku ay ka wada hadleen.

Wasiirka Ciyaaraha oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayay Wargeyska DAWAN<a ayaa yidhi “illaa hada ciyaarihii goboladu waxay annaga wasaarad ahaan naga taagan yihiin in ay xilligoodii qabsoomaan wax baajinaya oo dib ugu dhigayaana namay soo gaadhin markaa ciyaarihii gobolada halkoodii ayay nooga socotaa qaban qaabadoodii si wanaagsana way noogu socotaa”.

Wasiirka oo ka jawaabayey waxa ka jira in madaxwaynaha iyo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed isla garteen in ciyaaraha dib loo dhigo oo wargaysyada qaar ku soo baxay.waxa uu yidhi “Annaga (wasaarada ciyaaraha ) madaxwaynuhu wax dib u dhigis ah oo uu na soo gaadhsiiyay ma jirto waxaana laga yaabaa in suldaanku tallo soo jeediyay oo tallo wuu soo jeedin karaa laakiin go’aan maaha mana noqon karto wax jaraa’id lagu qor qoray,ta kale madaxwaynuhu hawlaha wasaaradaha dawlada waxay ka wada hadlaan wasiirrada, balse Suldaan iyo cid kale toona go’aan kalama gaadho anagana hawsha ciyaaruhu illaa imika waa noo halkeedii”.

Wasiir Cali Siciid Raygal oo ka jawaabayey in xidhiidhadii uu kala diray ay shaqaynayaan iyo in kale ayaa yidhi “Xidhiidhadu arrintoodu waa sidii aan u kala dirnay wax shaqo ah oo ay iminka gacanta ku hayaana ma jirto”.

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN