Shir Ku saabsan Isku xidhka Haweenka Goboladda oo Lagu soo Gunaanaday Boorame

Boorame(Somaliland.Org)- Maayorka magaalada Boorame Saleebaan Xasan Xaddi ayaa soo geba-gebeeyey maanta kulan ku saabsanaa isku xidhka haweenka gobolada iyo degmooyinka dalka oo maalmahii u dambeeyey ka socday magaalada Boorame.

Kulankan oo ay ka qayb qaadanayeen haweenkii u tartamay doorashadii golaha deegaanka ee Gobolkaasi , haween kale oo ka socday hay’adaha arimaha bulshada iyo hablaha dhigta jaamacadaha magaalada Boorame ayaa Mayor-ku hadal uu u jeediyey ka soo qayb galayaasha waxa uu ku booriyey in aanay ka hadhin hankooda ku aaddan ka qayb qaadashada doorashooyinka iyo ka qayb galka siyaasadda guud.

Madaxa mashruuca isku xidhka haweenka ee dallada Negaad Marwo Raxma Yuusuf ayaa iyaduna munaasabadaa ka sheegtay in Urur haweeneedka Negaad had iyo jeer ka qayb qaadato midnimada haweenka iyo isku xidhkooda, loona dhiirrigelin lahaa kobcinta dhaqaalahooda.

Marwo Raxma waxay sheegtay in 129 haween ah ay musharaxiin ka ahaayeen doorashooyinkii golayaasha deegaanka balse tiro yari ku soo baxday taasise aanay marnaaba niyad jebin doonin hanka haweenka Somaliland .

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com