Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Oo Dhambaal Tacsi ah u diray shacbiga iyo dawladda Jabuuti

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenkas Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Saylici) ayaa maanta dhambaal tacsi ah u diray shucuubta Jabuuti iyo Somaliland oo uu ka tacsiyadeeyay geerida ALLE ha u naxariistee Guddoomiyihii Baanka dhexe ee Jabuuti oo xalay ku geeriyooday Nairobi.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu sheegay inuu ka tiiraanyooday geerida Marxuum- Jaamac Maxamuud Xayd.

“Waxaan ka tacsiyadeynayaa shacabka Jabuuti iyo Somaliland-ba geerida Guddoomiyihii baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Jabuuti Marxuum-Jaamac Maxamuud Xayd. Waxaan ILAAHAY uga baryayaa marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii, ehelkiisii, shacbiga iyo dawladda Jabuutina samir iyo Iimaan Ka siiyo,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku- xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil.

Somaliland.Org/Hargeysa