Laba Hooyo oo La Nool HIV/AIDS-ka oo Walaac Ka Muujiyay Daryeel La’aantooda

Komishanka SOLNAC Oo Jawaab ka Bixiyay Dhaliilo ay u jeediyeen xubno ka mid ah dadka la nool HIV/AIDS

Hargeysa (Somaliland.Org)- Qaar ka mida Hooyooyinka la nool xanuunka HIV/AIDS ee ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay gacan wayn ka gaysato sidii wax loogu qaban lahaa dadka uu asiibay xanuunkaasi isla markaana looga hortagi lahaa fiditaanka cudurkaasi.

Laba ka mida Haweenka la nool xanuunka HIV/AIDS oo macagayadoodu kala yihiin Hooyo Hodan Ibraahim iyo Hooyo Hodan Daahir oo nagu soo booqday xarunta wargeyska Dawan ayaa ka waramay waayaha noloshooda iyaga oo si wayn uga dayriyay xawaaraha dheeraynaya ee uu ku fidaayo xanuunkaasi, Haweenkan ayaa sheegay inay aad ula yaaban yihiin sida ay xukuumadda Somaliland uga gaabinayso wax ka qabashada aafada HIV/AIDS oo si wayn ugu fidaaya guud ahaan dalka.

Hooyo Hodan Ibraahin oo aan ugu horayn waydiiyey sababta ay noogu timi waxay ku jawaabtay “Hooyo waxa aanu maanta (shalay) u nimi xarunta wargeyska Dawan waxa weeye laba arrimood marka hore waxaanu aad uga cabanaynaa dhibaato weyn oo ku habsatay dadkayaga la nool cudurka HIV/AIDS.ka taas oo ah dhaqaalo daro, takoor iyo dhibaatooyin kale oo aan la soo koobi Karin, waxaanu nahay dad jilicsan oo aan awoodin inay shaqaystaan waxaanu nahay dad tabaalaysan oo ay ilawday xukuumaddii ay soo doorteen ee ay ka sugaayeen inay waxa u qabato.”

Hooyadan oo hadalkeeda sii wadataa waxay intaas ku dartay “Arrinta labaad ee aan halkan u imi ee aan warbaahinta uga hadlayaa waxa weeye dawlada uu hogaamiyaha u yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) laba reer oo xurgufi dhex martay ama dagaalamayba way xalisaa arinkooda ee maxay uga aamusan tahay aafadan masiibada qaran ah ee dalka ku faafaysa taas oo ah xanuunkan aanu la noolahay ee HIV/AIDS,runtii maalintii aniga layga diiwaan galiyay Cusbataalka Guud ee Hargeysa waxa uu ahaa nambarkiisu 489. maanta waxa uu gaadhayaa ilaa 5000 oo qof waxana uu marayaa meel halis ah waxana hubaal ah in uu qof kasta iyo masuul walba gurigiisa ugu tagi doono hadii aan maanta waxa laga qaban, oo aan inta uu hayo la caawin inta kalena laga bad baadin.”

Sidoo kale Hooyo Hodan Daahir ayaa iyana sheegtay in ay Bulshadu ku hayso dhibaatooyin badan waxana ay xustay in ay dawlada ugu baaqayso in wax ka qabato fiditaanka xanuunkaasi “xukuumadda waxaan leeyahay waxa halaga qabto xakamaynta xanuunkan waliba waxaan u sheegayaa xukuumadda, kana codsanaynaa in wax naloo qabto oo hoos naloo eego.”

Haweenkan ayaa noo sheegay inay leeyihiin midiba 8 caruur ah kuwaas oo ka fayoow xanuunkan marka laga reebo hal wiil, oo ay dhashay Hooyo Hodan Daahir, hooyooyinkan ayaa baaq u diray marwada madaxmeyhana Somaliland marwo Aamina Xaaji Maxamuud Aamina Waris waxana ay yidhaahdeen “waxaanu leenahay marwo Aamina Xaaji Maxamuud Aamina Waris waxaad tahay hooyadii dalka waxaad tahay haween oo waad dareemi kartaa dhibta na haysa waxa kula hadlayaa waa Hooyooyin dhiban waxaan kaa rabnaa inaad u guntato sidii wax na loogu qaban lahaa isla markaana aad doorkaaga uga qaadan lahayd sidii loo xakamayn lahaa fidida cudurka HIV/AIDS.”

Labadan Hooyo ayaa sidoo kale sheegay in aanu waxba u qaban komiishanka SOLNAC ee xakamaynta xanuunka HIV/AIDS, iyaga oo si gaara farta ugu goday gudoomiyaha Komiishankaasi kaas oo ay ku tilmaameen nin aan war ka haynin dadka uu xilka u hayo. Hooyooyinkan ayaa sidoo kale sheegay in ay hada qaataan daawooyinka xanuunkan, waxana ay xuseen inay aad ugu mahad celinayaan ururka wadaniga ah ee TALO-WADAAG kaas oo ay ku sheegeen in uu yahay mid noloshooda door fir-fircoon kaga jira, isla markaa waxay u mahad celiyeen guddida wanaag farisita iyo xumaan reebida oo ay sheegeen in uu si wayn u gacan siiyo.

Dhinaca kalena, Agaasimaha maamulka ee Komishanka qaranka ee xakamaynta HIV/AIDS-ka Md. C/Kariim Axmed Xinif oo aanu xalay wax ka weydiinay dhaliilahan loo jeediyay Komishankooda, ayaa sheegay inay yihiin Komishan Maamul isla markaana ay intii awoodooda ah u hadlaan daryeelna u raadiyaan dadka la nool HIV/AIDS ee wadanka ku nool.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in ay dedaal u galaan sidii aanay dadkaasi dawooyinku uga kala go’in, isagoo xusay in mar dhawaan dawooyinku ay gabaabsi ku dhawaadeen Komishanka SOLNAC uu uga soo ammaahday dawooyin wasaaradda caafimaadka Kenya. C/Kariin Xinif waxa uu tilmaamay in Haay’aduhu inta badan ay wixii loo qabanayo dadka uu xanuunku asiibay u dhiibaan Haa’yadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, taasina aanay ahayn dariiq haboon. Agaasimaha maamulka ee SOLNAC waxa uu intaasi ku daray in Komishanku uu waraaqo u qoray madaxtooyadda iyo xafiiskii hore loo odhan jiray samo-falka madaxtooyadda kana dalbadeen in wixii raashin ah ee mucaawimo ah laga fuudh yeelo dadkan jilicsan ee la nool HIV/AIDS-ka. Waxaanu tilmaamay inay ka aqbaleen arrintaasi isla markaana ay xukuumaddu wixii raashin ah ee mucaawimo ah ee soo gaadha il gaar ah ku eegi doonto dadkan.

Agaasimuhu waxa uu komishankiisa ka fogeeyay dhaliilahaasi waxaanu ku dooday inay mar walba ay awooda saaraan sidii wax loogu qaban lahaa, waxaanu carabaabay inay dadkani qaataan raashin isla markaana wixii awoodooda ah aanay waxba kala hadhayn.

XIGASHO: WARGEYSKA DAWAN