Guddoomiyaha Iyo Dhamaan Xubnaha Golaha KULMIYE FORUM Waxay Tacsiyad

Guddoomiyaha goloha KULMIYE FORUM Md Cabdirizaq Ibrahim Kooshoin , guddoomiye ku xigeenka Suldaan Siciid Kabadhe, gudida golaha ee KULMIYE FORUM iyo dhamaan xubnaha golaha KULMIYE FORUM oo kala jooga dunida dacladeedu waxay halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaan geerida ku timid marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo ahaa Gudoomiyihii Baanka dhexe ee Jabuuti oo xalay ku geeriyooday dalka Kenya. Waxaanu marxuumka ILLAAHAY uga baryaynaa inuu naxriistii janadii Fardoosa ka waraabiyo dhamaan Oradi, Ubadkii, eheladii qaraabadii, asxaabtii , shacabka reer Jabuuti iyo walaalahooda reer Somalilandna samir iyo imaan ka wada siiyo.

Guddoomiyaha Golaha KULMIYE FORUM

Cabdirizaq Ibrahim Kooshin