BOGA TACSIDA EE MARXUUM-JAAMAC MAXAMUUD XAYD

Guddoomiyaha goloha KULMIYE FORUM Md Cabdirizaq Ibrahim Kooshoin , guddoomiye ku xigeenka Suldaan Siciid Kabadhe, gudida golaha ee KULMIYE FORUM iyo dhamaan xubnaha golaha KULMIYE FORUM oo kala jooga dunida dacladeedu waxay halkan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaan geerida ku timid marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo ahaa Gudoomiyihii Baanka dhexe ee Jabuuti oo xalay ku geeriyooday dalka Kenya. Waxaanu marxuumka ILLAAHAY uga baryaynaa inuu naxriistii janadii Fardoosa ka waraabiyo dhamaan Oradi, Ubadkii, eheladii qaraabadii, asxaabtii , shacabka reer Jabuuti iyo walaalahooda reer Somalilandna samir iyo imaan ka wada siiyo.

Guddoomiyaha Golaha KULMIYE FORUM

Cabdirizaq Ibrahim Kooshin

DhAMBAAL TACSI AH

Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI, Dhamaan G/Fulinta, waxay iyagoo ka tiiraanaysan tacasi u diryaan xaasaskii, caruurtii, eheledii, qaraabadii iyo dhmaan shacbiga dalka Jabuuti ee uu ka baxay Gudoomiyihii Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyada Jabuuti Marxuun Jaamac Maxamuud Xayd e oo ku geeriyoodaye shalay Dalka Kenya.

axaanu Eebe uga baryaynaa innuu ja’nadii fardowsa ka waraabiyo, dhamaan shacbiga Jabuuti samir iyo iimaan ha ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

DHAMBAAL TACSI AH

Suldaan Xuseen Xaaji Cabdi Cabdilaahi, Guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cali Yuusuf Axmed, Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo dhaqanka Somaliland Md. Mustafe Maxamuud Qodax,Cumar Maxamed Faarax, Maxamed Aadan Cabdilaahi Summuni, Baashe Shalay maray, Jaamac Koosaar Axmed, Khadar Koosaar Muxumed, Naasir Ibraahim Carte
Dhammaan dadkaasi waxay tacsi u dirayaan qoyskii ALLE ha u naxariistee Gudoomiyihii Baanka dhexe ee Jabuuti Marxuum- Jaamac Maxamuud Xayd oo xalay ku geeriyooday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo xaalad caafimaad loo geeyay.
Waxaanay ILAAHAY uga baryayaan marxuumka Inuu Naxariistii jano ka waraabiyo qoyska reer Maxamuud Xayd iyo shacbiga, dawalada Jabuutina samir iyo iimaan ka siiyo AAMIIN AAMIIN.

Dhambaal Tacsi ah

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa dhambaal tacsi ah oo uu soo gaadhsiiyey shabakaddani Gabilay.net goor dhawayd wuxuu tacsi u diraya shacabka iyo dawlada reer Jibouti geerida ku timid Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo ahaan jiray Guddoomiyahii Baanka Jibouti.

Muuse Biixi wuxuu Ilaahay uga baryaya inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo dhammaanba reer Maxamuud Xayd, qarabadii, iyo shacabka reer Jibouti iyo Reer Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah inuu ilaahay ka siiyo.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo madax badan oo ka tirsan dawlada jabuuti ayaa ka qayb geli doona aas qarran oo dalka Jibouti loogu samayn doono alla ha u naxariistee marxuun Jaamac Maxamuud Xayd.

DHAMBAAL TACSI AH

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Xaaji Maxamed Siciid Ducaale, Maamulaha Guud ee shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, Maamulaha R& FE Cabdiraxmaan Cali Cabdi, COOga R&FE, Cabdirashid Faarax Axmed, Maamulaha Ganacsiga, Nuux Siciid Ducaale, Maaulaha SOMTEL, Awil Saalax, Maamulaha DBI, Dr. Suleiman Walhad, iyo dhammaan saraakiisha, hawlwadennada, Wakiillada iyo Macaamiisha Shirkadda Dahabshiil waxay tacsi tiiraanya badan u dirayaan qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu ka baxay marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, Guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Jamhuuriyadda Jabbuuti oo Ilaahay oofsaday 11 January 2013. Alle ha u naxariisto, samir iyo iimaan sugan oo saadiq ahna ha ka siiyo qoyskiisa, eheladiisa, asxaabtiisii iyo dhammaan shacabka Somalida, gaar ahaan Shacabka reer Jabbuuti; marxuumkana Eebbaheen Jannadii Fardowsa Eebbe ha ku abaalmariyo. Aamiin. Aamiin.

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun

DhAMBAAL TACSI AH

Ganacsade Cali Ibraahim Ciise
Xildhibaan Muxumed Aw-Axmed
La Taliyaha Maareeyaha Madbacadda qaraka Axmed Cumar Xuseen
Axmed Sandoon Xasan
C/Kariim Sandoon Xasan

Dhammaan dadkaasi waxay tacsi u dirayaan qoyskii ALLE ha u naxariistee Gudoomiyihii Baanka dhexe ee Jabuuti Marxuum- Jaamac Maxamuud Xayd oo xalay ku geeriyooday magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo xaalad caafimaad loo geeyay.
Waxaanay ILAAHAY uga baryayaan marxuumka Inuu Naxariistii jano ka waraabiyo qoyska reer Maxamuud Xayd iyo shacbiga, dawalada Jabuutina samir iyo iimaan ka siiyo AAMIIN AAMIIN