“Anigu Xilkan Maayarnimo ee Saylac Jujuub Iyo Qori Kumaan Iman ee waa La ii doortay” Waraysi

Saylac (Somaliland.Org)- Maayarka cusub ee degmada Saylac Xuseen Iidle Barkhadle, ayaa sheegay inuu shaqadiisa u bilaabi doono Sabtida maanta.

Maayarkan oo Khamiistii xilka la wareegay, ayaa ka hadlay hanaankii xilka loogu wareejiyay, isagoo arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxaan xilka Duqa magaalada Saylac la wareegay Khamiistii, waxaana xafladii xil wareejinta ka soo qayb galay Agaasimaha Waaxda Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaarada Daakhliga, Badhasaabka Gobolka Salal, Maayar ku xigeenkii hore ee Degmada Saylac iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka ee la doortay. Nasiib darro Maayarkii hore ee xilka Igu wareejin lahaa waxa uu galay Jabuuti oo uu ka soo noqon waayay, taasina Waa arrinta sababtay in Wasaarada Daakhliga iyo Badhasaabka Salal xilka ugu wareejiyaan.”

Xuseen Iidle oo xalay khadka Telefoonka ugu waramayay Somaliland.Org, isagoo ku sugan magaaladda Saylac, waxa uu tacsi u diray eheladii iyo shacbiga Saylac oo uu ka tacsideeyay geeridii wiilkii dhallinyarada ahaa ee Arbacadii la soo dhaafay ku geeriyooday rabshadihii ka dhacay magaalada Saylac. Waxa kale oo uu Illaahay uga baryay inuu shaaficiyo dadkii ku dhaawacmay rabshadahaasi.

Maayarka Saylac Xuseen Iidle Barkhadle oo aanu waydiinay sida uu ugu sii shaqayn karo magaalada Saylac oo bulshada deegaankaasi ay ku kala qaybsameen doorashadiisa, isagoo arrintaa ka hadlayayna wuxuu yidhi “Anigu waxaan shaqada bilaabayaa Sabtida (maanta), waxaan ahay nin reer Saylaca, xilkana waa la ii doortay ee kumaan iman qori caaradii iyo juujuub midna. Bulshada degmada Saylac aniga ima diidana, waanan u shaqaynayaa, hase yeeshee, waxa jira dad si khaldan dadka u marin-habaabinaya kuwaasi oo iskugu jira siyaasiyiin iyo xubno xilal hore uga hayn jiray gobolka Salal, kuwaas oo doonaya inay xil ku helaan xaalad-abuurka iyo iska hor-keenka bulshada, arrintasina way iska soo af-jarmi doontaa.”

Maayarka Saylac oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay in cid loo qabtay gaadhigiisii oo la gubay Khamiistii la soo dhaafay, waxaanu yidhi “Gaadhigani wuxuu ahaa gaadhi dawladeed oo degmada loo iibiyay horaantii sanadkii hore, waxa uu ahaa gaadhi qaranku leeyahay ee muu ahayn gaadhi aan anigu leeyahay, cida uu ka gubtayna waa shacbiga degmada Saylac.”

“Gaadhigan waxaa lagu gubay fal qorshaysan, waxaanu horyaalay xafiiska Badhasaabka, waxaana gubay dad kooban, ilaa iminkana la iima sheegin cid loo qabtay, waana ayaan-darro inteeda le’eg oo meesha ka dhacday,”ayuu yidhi Maayarku.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com