Madaxweyne Siilaanyo Oo Dawladda Jabuuti Ka Tacsiyadeeyay Geerida Gudoomiyahoodii Baanka

Hargeysa (Somalialnd.org)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal tacsi ah u diray dawladda iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu ka tacsiyadeeyay geerida ALLE ha u naxariistee Marxuum-Jaamac Maxamuud (Xayd) oo ahaa Gudoomiyihii Baanka dhexe ee Jabuuti oo caawa ku geeriyooday dalka Kenya.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo kan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa xukuumada iyo shacbiga Jabuuti oo uu ka tacsiyadaynayo geeridii ku timid ALLE HA U NAXARIITSEE MARXUUM JAAMAC MAXAMUUD XAYD oo ahaa gudoomiyihii Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee wadanka Kiniya oo xaaladiisa caafimaad darteed loo geeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sidoo kale waxa uu ka tacsiyadaynayaa geeridaasi eheladii iyo qaraabadii marxuum jaamac Maxamuud Xayd, waxa uu illaahay uga baryayaa marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo eheladii iyo shacbiga jabuutina uu samir iyo iimaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa