Boorame Gabadh 13 Jir ah oo soo Bandhigtey Buug ay Qortey

Boorame (Somaliland.Org) Gabadh yar oo reer Somaliland ah oo aan gaadhin da’da qaan-gaadhka ayaa ku soo bandhigtey buug ay ku qortey afka carabiga magaaladda Boorame.

Gabadhan yar ee 13 jirka ah markii uu soo shaac baxay warka ku saabsan inay qortay buug afka carabiga ku qoran oo la magac baxay “Sideed U Hiigsan Kartaa Riyooyinkaa Qurxoon”, waxa ay qabsatay indhaha saxaafada, aqoonyahanka iyo bahda akhriska, waxana loo qabtay xaflad aad u balaadhan oo lagu daahfurayay buugan.

Gabadhan yar oo magaceeda la yidhaahdo Marwo Xaamud Ibraahim, waxay dhigataa fasalka 8aad ee Dugsiga dhexe, waa agoon hamigeedu uu dheer yahay, markii ay makarafoonka madashii daahfurka buugeeda qaadatay, waxa ay hadalka ku bilawday kalmado carabi ah oo ay ka muuqatay farshaxanimo, iyo aqoon qoto dheer oo dhinaca luqada ah.

Marwo oo ka hadlaysay sidii ay buugan u qortay iyo xiligii ay bilowday waxay tidhi “ Buugan waxa aan bilaabay sanadkii 2010kii dabayaaqadiisii, waxa aan u bilaabay tartan naga dhexeeyay aniga iyo walaashay, waxa aan bilaabay inaan maalintii qoro hal bog ama wax ka yar, waxa aan u doortay mawduucan ah Sideed U Hiigsan Kartaa Riyooyinkaa Qurxoon, aniga oo aad ay ii buux dhaafisay riyooyin badan oo aan hiigsanayo.”

“Hamigaygu waa inaan noqdo qof caan ah, oo ugu yaraan soo saara dawo cudur aan dawo lahayn, sidaasi aawadeed waa muhiim inaan naftayda u iftiimiyo jidka kaliya ee aan riyadaas ku rumayn karayo, iyada oo ay ila wadaagaan bahda hamiga dheer ee riyooyinkooda doonaysa inay maalin maalmaha ka mid ah hiigsadaan,” ayay tidhi Marwo Yar.

Marwo Xaamud oo hadalkeeda sii watay waxay intaas ku ladhay “Buugan waan dareen sanahay inuu dib uga dhacay waqtigii ku haboonaa ee uu soo bixi lahaa, waxa jira laba mushkiladood oo ay ta koowaadi tahay qofka kaa qaada ee aad tidhaa iga soo sax waxa uu haysanayaa mudo dheer, waqtina waa kugu socdaa, mida labaad ayaa waxa ay tahay arimo dhaqaale oo wali I hortaagan, gaar ahaan dhinaca kharashka daabacaada.”

Ugu dambayntii waxa ay dardaaran u soo jeedisay, bahdii madashaas ka soo qayb gashay waxana ay tidhi “ Waxa jira dunida dad badan oo hamigoodu meel dheer gaadhsiisan yahay, ugu yaraan jecel inay wax qoraan sidaasi oo ay tahay waxa haysata dhibaato dhaqaale, ha noqdaan agoomo sidayda oo kale, ama ha ka soo jeedaan qoysas aan waxba haysan, sidaas hadii xaalku yahay waxaan ku dardaarmayaa in dadkaasi la taageero oo wax loo qabto”.

Buugan ayaa wali qabyo ah oo aan la daabicin, kharashka tirada badan ee ay u baahan tahay daabacaaduna waxa uu yahay dhibta kaliiya ee hortaagan maanta hamiga gabadhan yar ee qalin maalka ah,. “Waxa loo baahan yahay in arintan gacan laga gaysto,” sidaasi waxa yidhi gudoomiyaha naadiga akhriska ee Maskax Maal oo madashan lagu daahfurayay buugan soo qaban qaabiyay.

Somaliland.Org/Hargeysa