Saar baa-na haleelay la yidhaa xirsi

Waxa aan beryahanba war baahinta qaar ku arkayey magaalo aflagaado ah oo hawada loo marinaayo Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland kuwaas oo markaan u fiirsaday ila muuqday kuwo u eeg saarkii ay haweenku tuman jireen ee ay odhan jireen saar ayaan iska soo riday ee marka loo tumo durbaanka iyo fooxa intay dhacaan la qaadi jiray ama la odhan jiray u tuma saarku ha ka soo dagee.

taa waxan uga socdaa qolyahan hadhwanaag, oodweyne iyo Qaran ee mala awaalka iyo habaarka uun la maciinsaday wasiirka madaxtooyada iyaga oo magacyo kale adeegsanaya iskana dhigaya kuwo bulshda metelaya ama ku hadlaaya cabirka shacbiga balse ismay waydiin in bulshadu ilbaxday oo ay maanta marayso heerkii ugu sareeyey ee aqoonta iyo ilbaxnimada garaadkooduna siinayo qofka ay maanta u qiimaynayaan waxqbadkiisa, kartidiisa iyo aqoontiisa balse waxan jira kuwo sita magic iyo mala awaal ay ku sheeganayaan cabirka bulshada oo ay ku sheegin xirsi baa wax qaribay, xirsibaa madaxtooyada naga celiyey xirsibaa ka danbeeyey, taas oo aan odhan karo tolow ma saar ayaa u qabtay mise waxa hoos u dhacay mareegtooda oo waxay doonayaan in ay kor u soo qaadaan booqashada web-sit-yadooda oo waxay xag-xaganayaan oo ay ceebtooda iyo qiima dhaca ku yimid shebekadahooda ay kula gal-galanayaan wasiirkan dalka dhami eeganayo ee shaqadiisa u daacada noqday ee aan lahayn dhaliil ay maanta soo bandhigayaan oo la taaban karo.

mise waxa isu qaban waayey wasiirka da’adiisa, kartidiisa, dadnimadiisa iyo hawlkarnimadiisa, baroortu orgiga ka wayne aniga iyo inta dalka horumarkiisa jeceli waxa aanu leenahay saaxiibada isku bahaystay in ay qof uun wax ka qoraan war dib isugu noqda oo bal mar uun isku daya in qofka aad ka xishootaan oo aad bulshada u soo bandhigtaan hadiiba ay jirto dhaliil aad u haysaan in aad waxqabadkiisa iyo dhaliishiisa aad isbarbar dhigtaan oo aad bulshada tidhaahdaan shalayna waa kaa maantana waa kaa taas ayaa ah mid dadku wax ku qaadan karaan balse hadaad la soo istaagnaa uun waa ka wax qasay waa ka ka danbeeya oo aydaan cadayn iyo dhacay aydaan ku hayn waa nasiib daro ku dhici doonta saxaafada dalka oo aad idinku u soo jiideen.

Hadaba ma odhan kartaa qolyihii magaca adag lagu sheegi jiray ee marfashyada ee xaalkoodu allow sahalka iska ahaa ee ma shaqaystayaasha u badnaa ee ku nolaa uun amaanta iyo shaxaadka wasiirada ee kay ka waayaana ku rux-ruxan jiray magaalo ayaanu kaa qori oo waxad waayi dooontaa booskaaga wasiirnimo ayaa wasiir xirsina la soo gaadhi waayeen dheemaalkii ay ku barteen wasiirada kalsoonidu ka maqan tahay ee xaalkoodu iska ahaa allow sakhirka.

balse waxa ka maqan kuwaasi in wasiirkani uu yahay wasiir dalkiis, dadkiisa iyo diintiisa u daacad ah oo marwalba iska xilsaara in uu dadkiisa raali-geliyo dalkiisana uu u shaqeeyo 24-ka saacba taas oo ah in aynu abaal ugu hayno kuna amaano wax-qabadkiisa balse aanay ahayn in aynu abaal uga dhigno cay iyo af-lagaado joogto ah kuna darsada oo wasiirkani waxa uu ku sugan yahay xafiiskiisa ama masjidka waana shaqsi aragti ahaan iyo aqoon ahaanba u diyaar ah in uu dalka horumirintiisa uu ka jecel yahay cidwalba oo wax ka qoraysa waxaana kolay marag ma doon ah sida uu dulqaadka ugu muujiyo waxbadan.

balse astaanteena iyo dabeecadeena marka loo eego soomaalinimo gaar ahaan reer waqooyi ama Reer Somaliland dabeecadeenaa ah in kolba keena inoogu muhiimsan ee inoo shaqaynaya aynu xag-xagano oo aynu xumaantiisa u guntano balse markaa uu ka dego xilka ama geeri ku yimaado aynu amaan iyo bogaadin kula dul dhacno taas oo aan leeyahay walaalayaal aynu noqono kuwo alle ka baqa oo marwalba runta ku dhinta, ma garanaayo anigu meel aynu ku socono marka aynu qof muslin ah oo shantiisa salaadood tukanaaya aynu leenahay waxa uu ku hawlahan yahay sidii uu dalkan iyo dadkan u burburin lahaa una khiyaami lahaa, innaga oo iska indho tirayna kitaabkii uu gacanta saaray ee uu ku dhaartay markii xilkan loo dhaarinaayey.

Midna waxan dareensiinayaa shacbiga reer Somaliland oo waxan leeyahay noqda kuwa ka ilbaxa daasada laydiin tuurayo oo isku daya in aad noqotaan kuwa wax suureeya ama qiimeeya ee dalkooda iyo dadkooda kala barta oo la soo baxay siyaasiga beri bedeli doona madaxda dalka hada hogaamisa oo kala barta qofkaad dalka u soo xulan lahayd iyo kaad ka tegi lahayd hadii mid walba laguu caayo ood adiguna dhegaha uun ku shubato waa nasiib daro dalka kku soo socota oo waxa dhici doonta in aad sanad walba tijaabiso siyaasi aanad hubin waxa uu noqon.

Guntii iyo gebegabadii waxan leeyahay kuwa caadaystay in ay caayaan madaxda dalka marka xirsiba laga tago war alle ka baqa oo dadkiina wax ula hadha oo ka xishooda dadkan dadkooda u daacada ah ee u heelan iyagana ha niyad jebinina.

wa bilaahi tawfiiq
Xasan Maxamuud Nuur (Xidig)
Dubai (Imaaraatis)
hassan_0099@live.com