Rabshado Saylac ka dhacay oo uu ku Naf-waayay hal qof tobaneeye kalena ku dhaawacmeen

Hargeysa (Somaliland.Org)- Alle ha u naxariistee Marxuum-Xasan Faarax Obsiiye ayaa maanta ku geeriyooday, 12 qof oo kalena way ku dhaawacmeen ka dib markii dadweyne gadoodsani ay rabshado ka sameeyeen xarunta dawladda Hoose ee Saylac, kuwaasi oo ka cadhaysnaa dooorashadii maayarka cusub ee Saylac oo lagu waday inuu xilka la wareego maanta.

Dadkan mudaharaadeyaasha ah ayay isku dhaceen ciidanka qaranka oo doonayay inay ka kala dareeriyaan xafiisyadda dawladda ee ay hor-tubnaayeen.

Warku waxa uu intaasi ku daray in mudaharaadeyaashaasi ay dhagaxaan la dhaceen ciidanka qaranka, waxaanay dhaawacyo u geysteen illaa 7 askari ka dibna rasaastii ciidanku ku kala dareerinayay ay sababtay inuu ku naf-waayo wiil dhalinyaro ahi isla markaana ay ku dhaawacmeen tobaneeye kale oo la sheegay in laba ka mid ah dhaawacyadoodu cuslaayeen loo qaaday dalka Jabuuti.

Waxa kale oo galabta dib u bilaabmay Gaadiidka u kala goosha dalalka Somaliland iyo Jabuuti oo saacado kooban u istaagay sababo la xidhiidha rabshadaasi maanta ka dhacday degmadda Saylac.

Somaliland.Org/Hargeysa