Madaxweyne Siilaanyo oo Dhaqan-geliyay Xeerka Hay’adda Sirdoonka qaranka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta soo saaray digreeto uu ku dhaqan geliyay xeerka Hay’adda Sirdoonka qaranka.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan (Dhuxul), waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta digreeto madaxweyne ku Dhaqan-geliyey Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/581/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012;

Wuxuu Soo Saaray: Dhaqan-galka Xeerka Hay’adda Sirdoonka Qaranka Xeer Lr. 59/2012 ee Jamhuuriyadda Somaliland.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com