Madaxweynaha Somaliland Oo dhaqan geliyay Xeerka Mihnadleyaasha Caafimaadka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta dhaqangaliyey isla-markaana qalinka ku duugay xeerka Mih-nadlayaasha caafimaadka oo wax ka badal iyo kaabis lagu sameeyay.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axme Saleebaan Dhuxul ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu maanta digreeto madaxweyne ku Dhaqan-geliyey Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mih-nadlayaasha Caafimaadka.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:Go’aanka Golaha Wakiilada JSL, Go’aan Lr. GW/G/KF-19/582/2012 ee ku taariikhaysan 27/12/2012 ee ay ku ansixiyeen Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Xeer Lr. 19/2001;

Wuxuu Soo Saaray: Dhaqan-galka Wax Ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka Xeer Lr. 19/2001 ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.