Golaha Guurtida Oo Ansixiyay Ajandaha kalfadhigooda 49-aad

Hargeysa (Somaliland.Org)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaasi Siciid Jaamac Cilmi waxay mudanayaasha golahaasi cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen ajandaha kalfadhiga 49-aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ay wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyeen.

Fadhigan oo ay soo xaadireen 49 mudane ayaa cod u qaaday ansixinta ajandaha kalfadhiga 49-aad waxaana ogolaaday 41 Mudane, waxaa diiday 6 Mudane, waxaa ka aamusay hal mudane Gudoomiyahuna ma codayn sidaana waxaa ku ansaxay ajandaha kalfadhiga 49-aad ee wax ka bedelka lagu sameeyey kaas oo qodobadiisu ka koobnaan doonaan sidan:

Warbixinta Shir Gudoonka
Warbixinta Gudiga Joogtada ah
Siyaasadda Gudaha iyo Dibadda
Nabadgelyada iyo Horumarinteeda
Caqabadaha hortaagan xoojinta amniga iyo nabadgelyada
Arimaha Bulshada, Dhaqanka iyo garsoorka
Fayo dhowrka deegaanka iyo xog waraysiyo lala yeelan doono mas’uuliyiin ay ka mid yahiin:
Wasiirada wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Cadaaladda, gaashaandhiga, Warfaafinta, Beeraha, Deegaanka, iyo waxyaabahii kale ee soo kordha.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com