Wasiirka Dibu-dejinta oo soo bandhigay qorsheyaasha Wasaaraddiisa

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Wasiirka DibU-dejinta Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) ayaa golaha ka horjeediyay warbixiyay hawlihii uu qabtay muddadii magacaabistiisa ka dambaysay iyo qorsheyaasha u dagsan mustaqbalka waxaanu yidhi.
Wasiirka Dibu-dejinta Somaliland ayaa sidoo kale qodob qodob u sharaxay waxyaabaha u qabsoomay xilligii uu joogay wasaaradda iyo waxyaabaha ugu mudan ee uu doonayo inuu qabto muddada uu xilka hayo.waxaanu sidaasi ka sheegay fadhigii Golaha wakiiladda ee maanta oo lagu ansixiyay wasiirnimadiisa.

Wasiirka oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi.“Waxaan wasaaradda Dibu-dejinta oo xil ka hayay laba bilood iyo dheeraad runtii waxay ahayd wasaarad laga soo dheegay ama laga soo jaray wasaaradda arrimaha gudaha, dhaqdhaqaaq ee la shaqona uu aad u hooseeyo intii imika aan joogay, waxaan dardargalinay wasaaradda shaqadeeda, waxaanu ku guulaysanay in labo barnaamij oo waaweyn wasaaradda ku soo korhdino hay’ada samofalka oo hoos tagi jirtay Madxtooyada iyo Hay’adda WFP oo ahayd Hay’ad madaxbanaan imikase lagu soo daray wasaaradda .”

Wasiir Xaglo-toosiye isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi. “Wasaaradda dib-u-dejinta aan ka dhigo wasaarad si buuxda u shaqaysa inta aan joogo, waxa kale oo ku dedaalayaa inaan dib u eego awoodda wasaaradda oo in badan cidi dib u eegin, waxaan rajaynayaa inaan buuxiyo awoodda wasaaradu leedahay oo aan kaga tago. Waxa kale aad iyo aad uga shaqaynayaa hay’adaha ajanabiga iyo wasaaraddu inay yeeshaan wada shaqayn adag. intii aan joogay waxyaabaha aan la kulmay waxa ka mid ah in hay’aduhu ay ka faa’iidaystaan wasaaraddaha xukuumadda dhexdooda, wada shaqayn xaga wasaaradaha sharci adag oo baarlamaaniya uun baa lagaga bixi karaa arrimo noocaas, waxa mudan in la inagu hogaamiyo ee aanay hay’aduhu ina hagin.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa