Masuuliyiin Baaq Ka Soo Saaray Dhismaha Masaajid Qabyo _ahaa 9 sano ah Oo Dib Loo Bilaabay

Burco(Somaliland.Org)-Masuuliyiinta dhismaha masaajidka An-waar ee magaalada Burco ayaa ugu baaqay bulshadda reer Somaliland gudo iyo debed-ba in ay ka qaybqaataan dhamaystirka dhismaha masaajidkaasi ,oo qabyo ahaa mudo Sagaal Sano ah ,kaasi oo loogu talogalay in ay ku tukadaan dad ka badan Tobon Kun Oo Qof .

Masaajidkan oo ah masaajidkii ugu weyn ee magaalada Burco laga hirgaliyay wakhtigii ay jirtay oo ay dhismihiisu socday mudo dheer isla markaana ay soo food-saartay dhaqaale xumo ayaa hada dhismihiisa dib loo bilaabay ,waxaana ka warbixiyay culimadda masaajidkaasi wada .

” Dadka islaamka ah waxaanu u sheegaynaa masaajidkaa ay arkaan hawsha ka socota ,waa masaajid weyn hawshiisana way la socdeen ,waana dhawr iyo toban baloodh ,waana masaajidkii ugu weynaa ee magaalada Burco laga dhiso ,markaa waxaanu dadkaa islaamka ah xusuusinaynaa ama u sheegaynaa in ay masaajidkaa dhismihiisa naga taageeraan oo ay dhaqaale ku caawiyaan ,qof-walibana wixii uu sii baxsado ayuun-buu leeyahay aakhiro ,waxaana ugu khayr badan wixii masaajid la gashado.

markaa waxaanu ka codsanaynaa dadka islaamka ah in ay masaajidka wax gashadaan oo ay sahaydii Aakhiro sii qaataan ,waxaananu u mahad-celinaynaa walibana aanu u ducaynaynaa dadkii hore ee kaalmada ka gaystay dhismaha masaajidka wixii ay bixiyeena waa taa ay hawshu ku socoto ee lagu shaqaynaayo ” Sidaasi waxa yidhi Sheikh Ismaaciil Xule oo ka mid ah culimadda waaweyn ee gobolka Togdheer ee dhismaha masaajidkan wada.

Sidoo kale Sheikh Ismaaciil Xule iyo Sheikh Cabdi Dheere oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku wargaliyay cidkastoo dhismaha masjidkan gacan ka gaysanaysa Ilaahay dartii in ay ugu soo shubaan Lambarada kala ah .

Account. No: 6868.Dahab-shiil.

Zaad Services : 4433087 .

Dhismaha masaajidkan qabyoda ah ayaa laga hirgaliyay Xaafadda Shacabka magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ,xaafadaasi oo ay ku yar-yihiin masaajidadu isla markaana ay ku dhaqan-yihiin dadweyne aad u faro-badani .

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco