Maamulka Degmada Gar-adag oo Gacanta ku dhigay Dad Gumaaday Dhirta Qoyan

Gar-adag (Somaliland.Org)-Maamulka Degmada Gar adag ee gobolka Sanaag ayaa hawl-gal ay maanta iyo Shalay sameeyeen waxay ku qab-qabteen dad ka ganacsada dhuxusha kuwaas oo gubayay dhirta qoyan iyo ta engaganba.taas oo xaalufinaysa Calafka ay Xooluhu ku nool yihiin.

Hawlgalkan oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Degmada Gar adag Faarax Aadan Ciise kana mid ahaayeen Gudoomiye ku xigeenka Degmadaasi Yuusuf Cabdi , taliyaha Ciidanka Booliska Yuusuf C.laahi,dhalinyaro Mutadawiciin ah iyo qaybaha bulshada ayaa ka danbeeyay markii ay maamulka degmada qaylo dhaan soo gaadhsiiyeen qaar ka mid ah bulshada degmaadaasi.

Hawlgalkan ayuu Gudoomiyuhu sheegay inay ku soo qab-qabteen qaar ka mid ah Dhuxulaysatadii Kaymaha Gubay iyadoo la baa’biyay goobihii dhuxusha ay ku farsamaynayeen.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/JHargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com