Golaha Wakiiladda oo Ansixiyay Wasiirka Dib u dejinta Iyo Wasiir Ku xigeenka Macdanta

Hargeysa (Somaliland.Org)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey labada mas’uul ee kala ah Wasiirka wasaaradda Dib u dejinta iyo dib u habaynta Md. Saleebaan Ciise Axmed iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Md Cabdisalaan Maxamed Xasan.

Fadhigii maanta ee Golaha Wakiiladda oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa mudanaaysha ka hor akhriyey digreetooyinkii lagu magacaabay mas’uuliyiintaasi iyo taariikh nololeedkoodii.

Dhanka kalena labada mas’uul waxay mudanayaasha ka hor jeediyeen warbixino tilmaamayay hawlahii ay qabteen mudadii magacaabistooda ka dambaysay iyo qorshayaasha u degsan mustaqbalka. Intaa ka dibna Goluhu waxa uu gudo galay cod u qaadistii ansixinta labada wasiir iyadoo ay fadhiga maantana soo xaadireen 48 mudane.

Wasiirka wasaaradda dib u dejinta Md Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) waxaa magacaabistiisa ansixiyey 47 Mudane, cid diidayna ma jirin, cid ka aamustayna ma jirto, gudoomiyahuna ma codayn.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta, tamarta iyo biyaha Md C/salaam Maxamed Xasan waxaa magacaabistiisa ansixiyey 46 Mudane, cid diiday ma jirin, waxaa ka aamusay hal mudane, gudoomiyahuna ma codayn.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com