Badhasaabka Saaxil Oo Soo Bandhigay Qorshihiisa Sanadka 2013-ka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Badhasaabka Gobolka Saaxil Cali Maxamed Cilmi ayaa manta ka waramay qorshayaashiisa waxqabad ee u degsan sanadkan 2013.

Badhasaabka oo maanta u waramayay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA,ayaa sheegay in ay maamul gobol ahaan ku talo jiraan in sanadkan cusub ee miilaadiga ay kor u qaadaan waxbarashada Gobolka isla markaana ay ka hawlgeli doonaan xanaanaynta dadka derbi jiifka ah ee ku tabaalaysan shaaricyada magaalooyinka Gobolka.

Badhasaabka Gobolka Saaxil oo ka hadlayey qaabka nolol u abuurista dadka derbi jiifka ah waxa uu sheegay inay doonayaan inay dhalinyarada iyo dadka shaqayn kara ku xereeyaan Dugsiga tababarka iyo dhaqan celinta ee Minjo-Caseeye oo Gobolkaasi ku yaalla.

qorshahan oo uu gudoomiyahu ku tlmaamay mid dhabbaha u sii xaadhaya sidii adkasi gaar ahaan caruurta iyo dhalinyarada loogu tababari lahaa farsamooyin gacmeed ay ku shaqaystaan.

Md Cilmi waxa uu xusay in maamul ahaan ay sii ambaqaadayaan qorshayaashii qabyada ahaa iyo kuwii kale ee u qorshaysnaa sanadkan maamulkii hore ee Gobolka.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/JHargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com