Urur Siyaasadeedkii RAYS Oo Taageereyaashiisa ugu Baaqay Inaanay ku Biirin Xisbiyadda Qaranka

Burco (Somaliland.Org)-Masuuliyiinta urur siyaasadeedkii hadhay ee Rays ee gobolka Togdheer ayaa taageerayaashooda goboladda ku wargaliyay in ay iska jiraan ku biirista axsaabta Qaranka ee ku guulaystay doorashaddii dalka ka qabsoontay .

Dhinaca kale masuuliyiintan Rays ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Burco ,ku wargaliyay taageerayaashooda in ka fogaadaan in aaney ka qaybqaadan mudaharaadada iyo marxaladaha siyaasadeed ee ay wadanka u horseeday doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay .

Guddoomiyaha ururka Rays ee gobolka Togdheer Cabdikariin Yuusuf Cabdi Muraad oo ugu horeyn shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa .” Iyaddoo aynu ka warhayno , markhaati-na aynu ka nahay natiijooyinka ka dhashay doorashooyinkii wadanka ka qabsoomay iyo qaladaadka baah-san ee dhacay ,sidaa awgeed iyadoo aynu ka dheregsanahay waxa dalka ka dhacay ,hadana talada guud ee ururku iskugu yimi waxay naqotay markii la eegay danta guud ee dalka iyo taageerayaasha ururka in ay lagu khasbanaado wixii halkaasi ka soo baxay iyadoo aaney ahayn wax lagu qanco ,hadana danta uun ayaa nagu kaliftay .

Intaasi marka aan ka gudbo sedexda xisbi Qaran ee soo baxay habayaraatee ma jirto cid aanu talo wadaag leenahay ,waananu ka fiirsanaynaa cidii aanu la shuraakoobi-lahayn talo midaysan-baanany ka yeelanaynaa cida aanu is-xulufaysanayno ,sedexda xisbina way noo simanyihiin maanta ” Sidaasi ayuu Cabdi-muraad yidhi waxaanu intaasi raaciyay oo uu usoo jeediyay taageerayaasha ururka Rays in aaney ka qayb-qaadan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee wadanka ka jira gudo iyo dabe-dba ee ka dhashay doorashadii wadanka ka dhacday .

Khaliif Xuun-waal oo isna ah afhayeenka ururka Rays oo shirkaasi jaraa’id ka hadlay ayaa hadalkiisa ku bilaabay ” Ururka Rays urur soo halgamay ayuu ahaa ,waxaanu Somaliland ka keenay Shan iyo Sideetan Kun Oo Cod 85’000-cod iyo Sodon xildhibaan ,markaa maaha awood la dhayalsan-karo oo si fudud meel iskaga gali-karta ,mana jirto xisbi aanu u xidhanayxisbiyadaa yaacaaya balse cidii aanu isku barnaamij- noqono ayaanu ku biiraynaa ,waxaananu leenahay cidkastoo taageero- siisay ururkan oo aanu ku wargalinaynaa in ay ka shaqeeyaan arimaha nabad-gelyada isla markaana waxaan kale oo aan usoo jeedinayaa hayska jiraan yaanay ku milmini dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee dalku galay ,waxaana loo baahanyahay in xil layska saaro sidoo loo daaweyn lahaa dimuqraadiyadii Somaliland ee ku dhaawacantay doorashadii dalka ka dhacday ” Sidaasi ayuu Khaliif hadalkiisa kaga baxay.

Geesta kale waxa iyana halkaasi ka hadlay xoghayihii maaliyada ee ururkii Rays Siciid Axmed Suufi ,Aadan Ciise Maxamuud iyo Oday Maxamuud Yuusuf Nuur ,waxaaney dhamaantood isku raaceen oo ay usoo jeediyeen taageerayaashoodii codka siiyay ururka Rays in ay iska jiraan ku biirista axsaabta cusub .

Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Burco