Isku Shaan-dheyn Mug leh oo Lagu sameeyay Maxkamadaha Galbeedka Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Gudida Cadaalladda Somaliland ayaa maanta isku shaan-dheyn balaadhan ku sameeyay Guddoomiyeyaasha Maxkamaddaha Goboladda galbeedka oo ay isku bed-bedaleen.

Sidaasna waxa lagu sheegay digreeto uu maanta soo saaray Wasiirka Wasaaradda Cadaalladda iyo Garsoorka Somaliland Md. Xuseen Axmed Caydiid, waxaanay digreetadaasi u dhignayd sidan

Digreetada Wasiirkuna waxay u dhignayd:-

1-C/raxmaan Jaamac Hayaan Guddoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Maroodi-jeex waxa laga dhigay Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Saaxil.

2-Gudddoo miyihii rafcaanka saaxil Cali Suudi laga dhigay garsoore maxkamadda rafcaanka Hargeysa.

3-Guddoomiyihii maxkamadda degmadda Hargeysa C/rashiid Beer-geel waxa la geeyay gudoomiyaha maxkamadda degmadda gabilay, waxa jagadiisii loo magacaabay C/raxmaan Maxamed Mawliid.

4-Guddoomiyihii maxkamadda gobolka gobolka Gabilay Feysal C/laahi daga dago waxa la keenay Guddoomiyaha maxkamadda gobolka maroodijeex.

5-Guddoomiyihii maxkamadda Gobolka maroodi jeex C/rashiid Duraan waxa laga dhigay guddoomiyaha maxkamada rafcaanka Gobolka maroodijeex.

6-Guddoomiyihii maxkamadda gobolka saaxil ibraahim Aadan Yaasiin waxa la geeyay Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Awdal.

7-Guddoomihii maxkamadda gobolka Awdal C/raxmaan waxa la geeyay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com