Golaha Wakiiladda oo Duuduub ku Ansixiyay Xeer Guurtidu wax ka bedel ku samaysay

Hargeysa (Somaliland.Org)-Xeerka Komishanka Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa ayaa maanta Golaha Wakiiladdu si duuduub ah ku meel mariyeen.

Fadhigii maanta ee aqalka Wakiiladda oo uu Guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Md, C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Goluhu ku ansixiyeen Xeerkan oo ka kooban sagaal iyo Toban qodob kana soo noqday Golaha Guurtida ka dib markay kaabis iyo wax ka bedel ku soo sameeyeen ayaa waxaana cod u qaaday 44 mudane oo fadhiga maanta soo xaadiray,iyadoo ay 41 mudane ansixinta xeerkaasi ogolaadeen, Cid diidayna ma jirin, labo mudane ayaa ka aamusay, Gudoomiyahuna ma codayn sidaana waxaa ku ansaxay xeerka aasaaska Komishinka maamul wanaagga xeer No. 58.

Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland waxay maalinta berrito u ballameen ansixinta mas’uuliyiin Qaran oo uu mudooyinkii Dambe Magacaabay Madaxweynaha JSL.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com