“Doorashaddii u Dambaysay waxay ahayd tii ugu dhib badnayd, dib ayaanan u qiimaynaynaa wixii dhacay”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax , ayaa sheegay in doorashadii ugu dhibaatada badnayd ee dalka soo martay ay ahayd doorashadii u dambeysay ee Goleyaasha deegaanka, waxaanu ku dooday inay Gole ahaan qiimayn ku samaynayaan doorashadaasi iyo gal-daloolooyinkeedii.

“Doorashooyin badan ayaa hore dalka uga soo qabsoomay, hase yeeshee tii ugu dhibaatadda badnayd waxay ahayd doorashadii Goleyaasha deegaanka ee wadanka ka qabsoontay 28-kii Bishii November ee la soo dhaafay,”ayuu yidhi Guddomiye Ku xigeenka Wakiiladdu.

Md. Baashe Maxamed Faarax waxa uu tilmaamay in Golaha Wakiiladda xil ka saaran yahay inay dib u qiimeeyaan doorashadii Goleyaasha deegaanka si aanay khaladaadkii dhacay dib ugu soo noq-noqon wadanka.

“Xil baa naga saaran in wixii dhacay Gole ahaan aanu dib u qiimayno, waxna laga soo saaro si aanay dib inoogu soo noq-noqon. Waxaanu is weydiinaynaa in aanu shir gudoon ahaan la kulano Komishanka iyo inaanu ugu yeedhno gole-weynaha markaa arrintaasi tallo marka aanu ka yeelano ayaanu go’aan ka qaadan doonaa,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda oo u waramayay caawa TV-ga Qaranka.

Cumar Maxamed Faarax

Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com