“Dawlada waxaan leeyahay dadka isu soo jiida, waxaynu maraynaa wakhti….”

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Madaxwayne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa ka hadlay doorashadii goleyaasha deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoontay waxaanu sheegay inay ka duwanayd doorashadii golaha deegaanka ee wadanka ka qabsoontay sanadkii 2002,waxaanu u soo jeediyey dadka doorashadan wax ka tabanaya inay ku dhaafaan qarannimada, waxaanu xukuumadda u soo jeediyey in dadka wax tabanaya tabashadooda hoos loo eego.

axmed yuusuf yaasiin oo shalay u warramay telefishanka Horn Cable ayaa xukuumadda ugu baaqay inay dadka isu jiido. “Doorashadan dhacday maanta iyo doorashadii 2002 oo ay muddo dheer u dhexaysay maxaa yimi, maxaa isbedalay.

doorashada horta waa in cashar laga bartaa tan maanta haddii aan barbar dhigo tii 2002 doorashadaa wax la dooranayay xisbiga waana ka fududayd, tan maanta waxa la dooranayay shaqsi waxaanay keentay qofkii la dooranayay in la kala doorto toban ilma adeer ah oo qof la doorto oo arrinku noqdo qabyaalad aad u hoosaysa.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata.

“Horta waxaan leeyahay kii hadhay iyo kii wax tabanaya Somaliland toban sano way soo halgamaysay labaatan sano dowladnimada ayaa la dhisayay, markaa ku dhaafa Somaliland dowladuna dadkaa ha isu soo jiido waxaynu maraynaa wakhti xaasaasi ah waxaynu leenahay cadow badan, marka waxaan leeyahay dadkan tabashadooda ha la eego,”ayuu yidhi Madaxweyne Ku xigeenkii hore.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com