Wasiirka Maaliyadda Oo Ka hadlay Heshiis ay Gaadheen Shirkadaha Jaadka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Mudane C/casiis Maxamed Samaale ayaa faahfaahin ka bixiyay is afgarad dhex maray Wasaaradda Maaliyada iyo Shirkadaha ka ganacsada qaadka.

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa tilmaamay inay kulan wada yeesheen Shirkadaha qaadka waxaanu wasiirku xusay in markii hore ay ka cashuuri jireen qaadka boqolkiiba Shan iyo Sideetan. halka boqolkiiba shan iyo tobanka soo hadhay ay ahaayeen Waxa loogu yeedho Xaqal Xashiish,Wasiirku waxa uu sheegay in ku talo galka Sannad Miisaaniyadeedkan Cusub ay wasaarad ahaan ka maarmi waayeen Boqolkiiba shan iyo tobanka soo hadhay isla markaana ay ku dareen Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee 2013ka in Cashuurta Qaadku ay noqoto boqolkiiba boqol waxa intaas uu ku daray in arrintaas ay cabasho ka soo jeediyeen Ganacsatada Qaadka.

Wasiirku waxa uu sheegay oo kale in ganacsatada qaadku ay bixinayaan laga bilaabo bishan boqolkiiba 90%.isagoo intaas raaciyay in wixiii marka la gaadho bisha march ay ka dhigi doonaan 100%

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com