Beesha Ciise oo Ku dhawaaqay inay Qaadaceen Doorashadii Maayarrada Lughaya Iyo Saylac

Diri-dhaba (Somaliland.Org)-Gole la magac baxay Golaha dhaqanka Beesha Ciise ayaa magaaladda Diri-dhaba ee dalka Itoobiya galabta ka soo saaray war-murtiyeed ay ku naqdiyayaan doorashadii Maayarrada Magaalooyinka Saylac iyo Lughaya.

Afhayeenka Beesha Ciise ee dalka Itoobiya Maxamed Jibriil Waabari ayaa tafaasiil ka bixiyay sadex qodob oo ay ka soo saareen shir Golaha dhaqanka ee Ciise ku yeesheen Diridhaba.

“Waxa Golaha dhaqanka beesha Ciise shirkan ay ka soo saareen sadex qodob oo ah kala ah:-
1- Ma aqoonsanin doorasho ku sheegtii Maayaradda ee Magaalooyinka Saylac iyo Lughaya.
2- Waxaanu aqoonsan nahay xadkii iyo sidii degmooyinku ay kala ahaayeen 1960-kii, kaasi oo Beesha Ciise ay lahayd labadaasi degmo.
3- Waxaanu u soo jeedinaynaa Madaxweynaha Somaliland inuu Tallaabo ka qaado oo uu Laga Noqdo doorashooyinkii Maayarrada ee labadaasi degmo,”ayuu yidhi Maxamed Jibriil Waabari oo galabta u waramayay laanta Afsoomaaliga ee VOA-da.

Ma jiro bayaan loo dhan yahay ee Beesha Ciise ay ka soo saartay gudaha Somaliland. Iyadoo maalinta berina lagu wado in Maayarka cusub ee Saylac ee dhawaan Golaha deegaanku doortay uu xilka kala wareego Maayarkii hore.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com