Agaasimaha warfaafinta oo kulan la yeeshay wakiilka itoobiya u fadhiya Somaliland

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta cabdirashiid jibriil yuusuf oo uu weheliyo maareeyaha telefishanka qaranka khadar xasan cali, ayaa maanta la kulmay wakiilka dalka itoobiya u fadhiya somaliland.

agaasimaha guud ee wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta cabdirashiid jibriil yuusuf, ayaa waxa uu tilmaamay xidhiidhka walaaltinimo ee ka dhaxeeya somaliland iyo itoobiya, waxaanu xusay in wasaarad ahaan taasi darteed ay lagama maarmaan noqotay in wakhtiyada idaacada loogu talogalay afka axmaariga, taasina ka turjumayso xidhiidhka qotada dheer ee labada dawladood, waxaanu xusay sida lama huraanka ay u tahay in la sii xoojiyo xidhiidhkaas dhinaca warfaafinta.

maareeyaha telefishanka qaranka khadar xasan cali oo isaguna ka hadlay ayaa waxa uu xusay muhiimada xoojinta xidhiidhka labada geesood iyo sida ay lagama maarmaan u tahay inay wada shaqayn lahaadaan hay’adaha warfaafineed, waxaanay mas’uuliyiintu xuseen doorka safaarad ahaan kaga beegan arrimahani.

safiirka dalka itoobiya ayaa dhinaciisa xusay sida uu u sii adkaynayo xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac, waxaanu balan-qaaday inay martiqaad rasmi ah ay u fidin doonaan madaxda wasaaradda waxaanu uga mahadnaqay kulankan uu la yeeshay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa