Wasiirka Diinta Oo Xadhiga Ka jaray Jaamacad islaamiya iyo Masaajid Laga Hirgeliyay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil C/laahi Axmed ayaa xadhiga ka jaray dhisme ka kooban masaajid iyo Jaamacad, taas oo loogu magac-daray Beder oo laga hirgaliyay Degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.

Xadhig ka jarida masaajidkan iyo Jaamacadan isku lamaan oo ay maal-galiyeen dad Muslimiin ah oo ku dhaqan daafaha caalamka, ayaa waxa Wasiirka Diinta iyo Awqaafta hadal kooban oo uu ka jeediyay markii uu xadhiga ka jaray masaajidkaasi, ayaa waxa uu kaga hadlay arrimaha ku saabsan xasanaadka iyo dhismaha masaajidkani u leeyahay bulshada ku dhaqan deegaankaasi.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta waxa uu ka hadlay arrimaah la xidhiidha Jaamacada Beder oo uu sheegay inay tahay Jaamacad Islaamiya waxa uu yidhi “waxaan maanta isugu xadhig ka jarista masjidkan oo ay waqti dhaqaale ku dhiseen dadkeeni dibadda, waxaana idinkula dardarmaaya inaynu wada ilaalino oo maanta waxaa loo bahan yahay inaynu Jaamacadaheena iyo madariista culuunta islaamka inaynu kor u qaadno oo xilligan waxaa dunidu u soo laabatay oo kor u kacay dhaqaalihii Islaamka, isla markaana si mug leh loo barto barashadii culuunta iyo qaybihii kale oo caafimaadka iyo sharcigii waa in aad ka faa’iidaystaan Jaamacadan cusub oo dulsaar ku ah dhismaha masjidkani Beder waa wax Illaahay loogu mahadiyo cidii dhisteyna xasanaad u leh if iyo aakhiroba.”

Mas’uuliyiinta Jaamacada Beder ayaa iyaguna faah-faahin ka bixiyay waxbarashada Jaamacadaasi oo ay sheegeen inay kaalin ka geysan doonto barashada diinta islaamka.

Khadar Maxamuud Cismaan (Dhako)