Wasaaradda Ciyaaraha oo Diyaar garow ugu jirta Tartankii Goboladda oo bishan Qabsoomaya

Hargeysa, (Somaliland.Org)- Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa u qorshaysay 15-ka bishan inay hirgelisay qabashada Ciyaaraha Gobollada Somaliland, kuwaasoo muddo bil ah dib u dhac ku yimi, ka dib markii uu dalku galay xaalad doorashooyin.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Mustafe Maxamed Qodax oo aanu wax ka waydiinay xilliga iyo qaabka ay u qoondeeyeen qabashada ciyaaraha gobollada dalka ayaa sheegay inay ku abaabulka hirgelintooda, isla markaana ay ugu talogaleen inay qabsoomaan 15-ka bisha January.

“Muddadii waanu kordhinay markaa, sidii uu Wasiirku hore u shaaciyay 15 January ayay ciyaaruhu ka qabsoomayaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana ka qaybgali doona 13-ka gobol ee Somaliland ka kooban tahay, isla markaana waxaanu wadnaa abaabulkii u diyaar-garawga Ciyaarahaas.” ayuu yidhi Agaasimaha Guud, waxaanu intaas ku daray, isagoo hadalkiisa sii wata. “Sidoo kale Shirkada Somtel oo ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta Somaliland ayaa si toos u baahin doonta ciyaarahaas, waxaana laga daawan doonaa dhamaan adduunka dacaladiisa.”

Tartankii Ciyaaraha gobollada ee Sannadkii 2011-ka dabayaaqadiisii ka qabsoomay xarunra gobolka Togdheer ee Burco ayaa waxa ka qaybgalay 8 kooxood oo ka kala socday 8 gobol, kuwaasoo kala ahaa:
1- Maroodi-jeex
2- Awdal
3- Togdheer
4- Sool
5- Sanaag
6- Gabiley
7- Saaxil
8- Hawd
Waxaana tartankaas ciyaaraha gobollada ku guulaystay gobolka Marood-jeex oo ka guulaystay gobolka Hawd oo ay isugu yimaadeen ciyaartii kama dambaysta ahayd.

Sidoo kale, Tartankii Kubbada Koleyga ee sannadkii hore ayaa waxa ku guuleystay gobolka Marood-jeex.
Sanadkan ayaa la filayaa inay ka qaybgalaan 13-ka gobol ee ay guud Somaliland ka kooban tahay Somaliland, waxaana ku cusub ka qaybgalka tartankan gobollada Saraar, Oodweyne, Selal, Badhan iyo Buuhoodle.

Somaliland.Org/Hargeysa