Maayarka Cusub ee Hargeysa oo Xilkii Kala Wareegay Duqii Hore ee Caasimadda

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) ayaa maanta xilkii si rasmi ah ugu kala wareejiyey Maayar-kii hore ee Caasimadda Eng Xuseen Maxamuud Jiciir iyo Maayarka Cusub Eng. Yuusuf Warsame Siciid.
Maayarkii hore ee Caasimadda Eng. Jiciir ayaa kulankaas ka sheegay in mudadii shanta sanadood ahayd ee u dambaysay ay golaha deegaanka Hargaysa waxqabad la taaban karo ka muujiyeen arimo faro badan oo ay ugu horeeyaan hagaajinta bilicda caasimadda iyo hirgelinta 58 waddo oo cusub oo laamiyo ah.

Maayarka Cusub Eng: Yuusuf Warsame Siciid ayaa madashaasi ka sheegay in shaqada dawladda hoose u xilsaaran tahay aanay ahayn mid laga sugayo xildhibaanada golaha deegaanka oo keliya laakiin guud ahaan dadweynaha uu xil ka wada saaran yahay.

Eng. Yuusuf waxa uu ku sheegay caasimadda somaliland inay tahay meeshii aynu tusi lahayn caalamka waana caasimadeenii oo inooga baahan inaynu bilicdeeda sii ilaalino, hirgelinta hawshaasina ay u baahan tahay in yar iyo weyn dhinacyada la wada qabto, waxana uu Mayor-ka cusub ballanqaaday in xubnaha Golaha deegaanku diyaar u yihiin gudashada waajibaadkooda.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur (Caraalle) oo munaasabada xilwareejinta hadal ka jeediyey waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay wada shaqayn lahaayeen golahii hore ee deegaanka ee casimada, guud ahaana ay dawladaha hoose ee Gobolada iyo degmooyinka dalku ka qayb qaataan horumarinta bilicda iyo adkaynta nabadgelyada, halka sidoo kalena wasiirka arimaha guduhu ballanqaday inay taageero hagar la’aan ah la dhinac istaagi doonaan golayaasha cusub ee deegaanka kuna garab geli doonaan gudashada waajibaadka laga sugayo.

Somaliland.Org/Hargeysa