Hadhwanaag-eey Beenaale markhaatigiisa Ayuu Fogeeyaa

Waxay markhaati u tahay uun dhex-dhexaadnimadii mihnadd Saxaafaddu dhigayso oo gabaabsi ku sii ah shabakadda Hadhwanaag News oo xiliyadan dambe u xuub siibatay xaalad abuurnimo, curfi iyo runta wararkooda oo jar iyo bohol dheer ku sii dhacaysa wixii ka dambeeyay 28-kii Bishii November 2012.

Waxa shabakada Hadhwanaag ku dhacay khal-khal jaho-wareer ku riday miyir qabkii ay hawl-maalmeedkooda warbaahineed ku wadan lahaayeen. Waxaanay mudooyinkan dambe si qayral masuulnimo ah ugu gabood falaan oo xuquuqda madaxda qaranka ay si basar xumo iyo aqoon darro ka muuqato ay aflagaadooyin ugu daabacaan bartooda oo beryahan dambe noqotay Mareeg muddo kooban kula wareegay Horyaalka beenta iyo baro-bagaandada.

Waxaan la yaabay war maqaal iyo war mid uu yahay aan fahmi waayay oo ay ciwaan uga dhigeen “Wasiirka Madaxtooyada oo la sheegay in xilka laga qaadi doono bishan aynu ku jirno.” Waxaanay maqaalkaasi ujeedadiisu ay daaran tahay inay marin habaabinayaan akhristeyaashooda ku xidhan shabakadooda, taasi oo aan lahayn cid ay ka xiganayaan war ay ku sheegeen in la eryayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo ah nin xil kas ah.

War ku sheegaasi oo uu Hadhwanaag soo geliyay hawl-wadeen ka tirsan mareegtaasi oo ay sheegeen inuu ku sugan yahay Magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaanay maqaalkaasi beenimadiisa ka markhaati furay, waxaanay I xasuusisay Murtidii ahayd “BEENAALE MARKHAATIGIISA AYUU FOGEEYAA.”

Waxaan kula dar-daarmi lahayn shabakadan inay ka waantoobaan beenta aan gabashada lahayn ee ay caadeysteen. Wasiirka Madaxtooyadda ee ay sheegeen in xilka laga qaadayana waa mid uun iska been abuur ah mar haddii aanay jirin wax xilka qaadis ah oo digreeto Madaxweyne lagu soo saaray.

C/Casiis Ismaaciil Kaahin