Cuqaasha Tog-dheer Oo ugu Baaqay Xisbiga WADDANI inuu Ciyaaro Door Mucaarid

Burco(Somaliland.Org)- Cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Togdheer ayaa usoo jeediyay Xisbiga mucaarirka ah ee WadDani inuu mucaaridnimadiisa muujiyo, isla markaana uu ka qayb qaato ka hortaga marxaladaha siyaasaddeed ee waddanka ka jira iyo arrimaha bulshada.

Madax-dhaqameedkan ayaa sidaasi ku sheegay xaflad soo dhaweyn ah oo Xisbiga Waddani ku xusayay xisbinimadiisa uu kaga midka noqday saddexda xisbi qaran ee Somaliland usoo baxay, taasoo ka dhacday Hotel Cigaal ee magaalada Burco oo ay ka qaybgaleen dadweyne aad u badan oo ka tirsanaa taageerayaasha xisbigaas iyo masuuliyiintiisa gobolka Togdheer.

Caaqil Siciid Muxumed Marti-ilaaq oo ka mid ah cuqaasha gobolka Togdheer oo xafladaas ka hadlay ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa .”Anagoo ku faraxsan guusha Xisbiga ka gaadhay doorashadii dalka ka qabsoontay ,waxa looga baahan yahay xisbigu inuu noqdo xisbi mucaarid ah oo sheega dhaliisha jirta iyo halka ay dawladdu ka qaldan tahay oo uu jawaab cad ka bixiyo si uu uga faa’iidaysto oo uu dadka usoo jiito, haddii kale Xisbiga waa laga sii soconayaa oo ma hanan karayo madaxweynanimada, haddaanu waxa jira sheegin, taasina waa xaqiiq markaa waxaanu leenahay xisbigu ha is cadeeyo ilayn waxa lagu doortay waa siyaasadse,waxa dadka lagu kala jiidanayaana waa siyaasad.”

Chief. Caaqil Cabdi Cali X.Cabdile oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi. “Waxaanu idiin dooranay inaad noqotaan xisbi mucaarid ah, oo ka hadla siyaasaddaha jira iyo marxaladaha uu dalku ku jiro, anagu madax-dhaqameed idiin maanu dooran, markaa waxa loo baahan yahay maadaama Xisbigu noqday xisbi qaran inaad la jaan-qaadaan siyaasaddaha socda iyo qaladaadka wadanka ka jira oo aydaan ka aamusin idinkoo aan cidna dhinaca saaraynin”

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee gobolka Togdheer Xuseen Kaahin Xayd oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay guusha xisbigoodu gaadhay, waxaanu ku wargeliyay taageerayaasha Waddani ee Togdheer iyo bulshada kaleba in Xisbiga Waddani uu yahay xisbi mucaarid ah, isla markaana noqon doono mucaarid wax dhisa oo aan waxba dumin dhaliilaha jirana uu ka hadli doono.

Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay isla markaana soo dhaweeyay guusha Xisbiga Waddani kaga midka noqday saddexda xisbi qaran Caaqil Maxamed Biixi, Jaamac Sidiiq, Cabdikariin Yuusuf Maxamed iyo marti sharaf kale, kuwaasoo dhamaantood balan-qaaday in ay taageero mugleh la garab taaganyihiin Xisbiga Waddani.
Mahad Faarax Cabdilaahi
Somaliland.Org/Hargeysa