Tallaabooyinkii u Tisqaaday Xukuumadda Ayaamihii Tirsanaa

2012: Sanad Wax-qabad Ugu Suntan Somaliland

“Sanad waliba Hoodiyo
Hawl iyo dhibaatiyo
Wuxuu Hadimo leeyahay
Waa laga Helayoo
Hadhoow lagu Xasuustaa
Kii Noo Hagaagee Noqo
Loo Han weyn yahay
Waan ku haybinaynee
ILAAHAY ha kaa dhigo
Adna Hogol Da’aysiyo
Habeen dhalad barwaaqiyo
Nimco la hadhsan dooniyo
Cawo lagu heshiiyee
Kii noo Hagaagee Noqo
loo han weyn yahay”
Maxamed Saleebaan Tubeec

12-kii Bilood ama 365-tii Dharaarood ee sanadkii galbaday ee 2012-kii, waxa uu Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu suntan yahay sanad barkhadeed, waxaanay wadanka ka hirgelisay waxqabad balaadhan oo dhinacyo kala gedisan leh.

Waxqabadkaasi oo iskugu jira mashaariic waaweyn oo ay abuurtay iyo qabyooyin sanado badan baaqday oo ay ka dhaxashay xukuumaddii Rayaale oo ay dabooshay.

Waxaan jecelahay inaan si kor ka xaadis ah u guud maro Qodobaddii Xusidda mudnaa iyo kuwii IL-qabatinka lahaa ee xukuumaddan 25 bilood jirka ahi ku tun-tuunsatay kal-hore.

Qodobadaasi oo ay ugu dhumuc weyn yihiin horu-socodka laga sameeyay arrimaha Ijtimaaciga ah ee saamaynta togan ku leh bulshadda Somaliland ee xukuumaddu iyaga u addeegayso.

Sanadkii tagay waxa uu ahaa mid xukuumaddu wax ka bedashay tubtii loo marayay hanaanka aqoonsi raadinta, waxaanay wada hadalo fool ka fool ah oo heer Madaxweyne iyo Wasiirro ah la yeelatay Dawladii ku meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya.
waxa la soo gabo-gabeeyay shirkii u horeeyay ee noociisa ah ee xukuumadda Somaliland yeelato abid kaasi oo Golaha Wasiirrada iyo Madaxweynuhu isku horfadhiisteen qiimayn ku saabsan sidii wasaaraduhu ay uga soo dhalaaleen adeegyadii ay bulshadda u hayeen. Shirkaasi oo socday sadex maalmood. Waxa laga soo saaray 12 qodob oo wasaaradaha iyo Ha’yaddaha dawliga ahi ay diiradda saari doonaan sanadkan cusub ee 2013-ka.
Waxa shirkaasi lagu suntaday 130 qodob oo xukuumaddu wax ka qaban doonto sanadkan, waxaana qorsheyaashaasi ay waafaqsanaayeen qorshihii horumarinta Dalka ee shan sanadoodlaha ahaa ee ay curisay wasaaradda qorshaynta qaranku.

Waxa kale oo xukuumaddu sanadkii tagay joojisay ruqsadihii maraakiibta shisheeye oo xaalufin weyn ku hayay khayraadka xeebaha dalka. Waxaana go’aankaasi ay xukuumaddu u qaadatay. Waxa ku diirsaday kalluumaysatada wadaniga ah oo ay cidhiidhi ku hayeen Kalluumaysatadda shisheeye.


Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo booqday dalka Jabuuti oo uu marti-qaad ka helay ayaa ku guulaystay inuu dawladda Jabuuti ku heshiiyeen inay ogolaato in baasaboorka Somaliland lagu galo dalkeeda.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu xagaagii la soo dhaafay meel mariyay oo uu dhaqan-geliyay xeerka baananka Islaamiga ah oo aqalka wakiiladda oo muddo badan uu horyaalay ansixiyay, xeerkaasi oo baahi weyn loo qabay.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo Booqasho ku tagay dalka Ingiriiska ayaa shahaado sharaf ku maamuusay xubno ka mid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Ingiriiska ee taageera qadiyadda Somaliland. Tallaabadaasi oo uu qaaday si uu u dhiirigeliyo niyadda saaxiibadda Somaliland.waxaanay iyaguna Wasiir Xirsi ku muuneeyeen shahaado sharaf ay ku gudoon siiyeen garashadiisa la xidhiidha shahaado sharafta uu ku muuneeyay.

Waxa iyaguna xagiigii la soo dhaafay dalka booqasho rasmi ah ku yimid shirkadda caalamiga ah ee Genel Energy oo kulan la yeeshay madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Maamulaha guud ee Shirkada Genel Energy Tony hayward oo kulankaasi ka hadlay waxa uu sheegay inay bilabayaan marshuuc sahmin shidaalka, isla markaana ay ku maalgalinayaan lacag gaadhaysa (40 Milyan oo Dollar taas oo la bilaabi sannadka 2014-ka ceelka ugu horeeya ee Somaliland ka qodoyaan.

14/01/2012: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) ayaa Labada Gole ee Baarlamaanka Guurtida iyo Wakiilada) waxa uu ka hor jeediyay Khudbad Sanadeedkii Distooriga ah,taas oo Xambaarsanayd Wixii u Qabsoomay Xukuumada,Waxa aan u hirgalin iyo Barnaamijka ay raacayso sannadka 2012ka.

31/01/2012: Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarka ee Dawlada Denmark Chiristiano Firiij Biij, ayaa Booqasho ku yimid Caasimada Somaliland ee Hargaysa isla markaana balan-qaaday in dawladiisu ay hab ka duwan sidii hore ula macaamili doonto Somaliland Xafiis farsamana ay ka furteen Magaalada Hargaysa.

05/02/2012: Fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada gole ee Baarlamanka Somaliland waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in Xukuumada oo Matalaysa Dadkeeda iyo Qarankeeda ay ka qayb gasho Shirkii lagu qabtay magaalada London 23 bishii February ee Sannadka 2012, Shirkaas oo ay soo qabanqaabisay dawlada Ingiriisku kana qayb galeen ku dhawaad Lixdan dawladood oo caalamka ah oo ay Somaliland ku jirto. Fadhiga labada Gole iyo faahfaahintii Wasiirka Arrimaha Dibadu ka bixiyay nooca Shirkaas

23/02/2012: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo iyo Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo ka kooban Xukuumada,Golayaasha Qaranka iyo Xisbiyada Siyaasada ayaa ka qayb galay Shirkii qaban qaabadiisa Ingiriisku lahaa ee lagaga hadlayay arrimaha dalka Somalia.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Weftigiisa waxaa loo qaabilay hab maamuus dawleed oo dhamaystiran iyadoo Madashii Shirkaasna loo ogolaaday inuu Khudbad ka waramaysa Xoriyadii ay Somaliland ka hanatay 26 June 1960,Midnimadii ay la gashay Somalia-dii ka hoos baxday gacantii Gumaystihii Talyaaniga,halgankii dhiiga badani ku daatay ee dibu xoraynta wadanka,hub ka dhigistii,nabadayntii,dhismaha maamul dawladeed,horumarka iyo hanaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland ka hirgalay uu halkaas ka jeediyay isla markaana Cadeeday in Xuduuduhu ay yihiin kuwii uu Gumaysigu ka tagay iyo sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay inay Waayo aragnimadeeda ku wajahan arrimaha dibu heshiisiinta ee ay u Ooman yihiin dalka Somalia ay ula diyaar tahay. Khudbadii Madaxweynaha.

War Murtiyeedkii ka soo baxay Shirkii Caalamiga ahaa ee Arrimaha Somalia ee London ayaa waxaa Qodobkiisa 6aad si weyn loogu xardhay in Somaliland iyo Somalia ay ka wada hadlaan Xidhiidhkooda. Mustaqbalku nooca uu noqonayo iyadoo loo xil saaray Gudi ka hawl gasha sidii labada dal isugu iman lahaayeen wada hadalo dhex mara.

20/06/2012: Waxaa markii u horaysay taariikhda tan iyo markii Somaliland madax banaanideeda la soo noqotay isu hor fadhiistay oo yeeshay Kulan foolka fool ah Laba Wefti oo ka kala socday Somaliland iyo Somalia isla markaana sii ambo qaaday Qodobkii 6aad ee baaqii Shirkii London ee 23kii bishii february .

20.06.2012 furitaanka Shirkaasi Waxay ahayd laba dharaarood oo si weyn looga dhursugayay, waxa uu dhali doono shirkan ugubka ah ee ay isku hor-fadhiisteen Somaliland iyo Somalia markii u horeysay rubuc qarni ku dhowaad. Waxay odarasayeen sida uu u saamayn qaranimadooda qiimaha culus iyo halganka adag ka dhashay ee ay ku tanaadeen muddo dheer oo uu qiiqayay dalka Soomaaliya ee ay baarashuudka ka goosteen burburkiisii waxaanay aaminsan yihiin in madax-banaanidoodii ay kala soo noqdeen uu ahaa mid qaraar-san oo EEBE ku ilhaamiyay ammin sammaddu furnayd.

Shirkaas wada xaajoodka ahaa oo ku qabsoomay Guriga uu ku nasto Wasiirka Arrimaha dibadda Britain Mr. William Hugue oo la yidhaahdo Chevering House oo ku yaala duleedka London wuxuu ahaa mid laga dar-daar werinayay midhihiisa oo dad badan oo si dhow ula socday qabeen inuu dhicisoobi doono daqiiqadaha ugu horeeyaba marka laga qiyaas qaato mawaafiqda kala durugsan ee labadda dhinac.
Haddana waxa uu u dhacay jawi degan oo bilow ay u riyaaqeen marti-geliyeyaashii iyo labadii dhinacba.
28/06/2012: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland iyo Dhigiisii hore ee dalka Somalia Sh,Shariif Sh.Axmed ayaa kulan qayb ka ah dhiirigelinta Wada hadalada labada wadan waxay ku yeesheen Magaalada Dubia isla markaana qalinka ku wada duugeen War Murtiyeed nuxurkiisu ahaa in la sii wado wada hadaladii u bilaabamay labada wadan si xidhiidhkooda mustaqbalka ay meel isula dhigaan, waxa ay ku yeesheen Magaalada Dubai ,Waxaa Safarkaas Taariikhiga ah Madaxweynaha ku wehelinayay Gudoomiyeyaasha Xisbiyada Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ,UCId Inj Faysal Cali Waraabe iyo Xisbigii UDUB Daahir Rayaale Kaahin,isla markaana ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland.
Waxaa Guul ahayd in Somaliland ay ku guulaysatay in mudo 22 sano ah oo ay jirtay ay ku talaabsatay arrimo taariikhi ah sida dhismaha Maamul dawladeed,kala danbayn, nidaam dimuquraadiyadeed iyo dhamaanba astaamihii dal looga baahnaa inuu yeesho, oo cago adag ku taagan waxa sidaa loo sameeyayna waa mid ku qotonta xaqiijinta hanka iyo himilada ummada.
Xukuumada haatan talada haysa oo ku timid rabitaanka shacabku iyadoo ka duulaysa rumaynta yoolka aynu beegsanayno waxay dariiq cusub u jeexday hanaan dublamaasiyadeed oo dalalka adduunka lagaga raaridayo aqoonsiga Somaliland dadaaladaasi waxay keeneen in Somaliland ay kaga qayb gasho shirkii ay dhawr iyo kontonka dawladood ka soo qayb galeen ee magaalada London lagu qabtay 23 bishii Feberwery ee Sannadka 2012,ka lagagana hadlayay arrimaha Somalia in loogu casuumo iyadoo ka duwan Somalia waxaa shirkaas ka soo baxay war murtiyeed uu qodobkiisa 6aad sheegayo in Somaliland iyo Somalia ay ka wada hadlaan xidhiidhkkooda Mustaqbalku sida uu noqonayo,wada xaajoodkasi si loo sii ambo qaado waxa wejigii ku xigay lagu qabtay Magaalada Istan bul waxaa labadaas shirba lagaga hadlay in la taageero oo la taakuleeyo wada-hadallo dhex mara labada dhinac ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Ku-meel-gaadhka ah ama ciddii Bedesha.. Wada-hadalladaas waxa looga gol lahaa in laga caawiyo sidii ay u qeexi lahaayeen xidhiidhada ay mustaqbalka yeelanayaan.
Madaxdii labada dhinac kala hogaaminaysay ayaa markii Labada Cisho ee Kulanku dhamaaday waxay ka soo saareen 8 Qodob oo tilmaamaya sida loo sii wadayo wada hadaladan labada wadan u bilaabmay Waa kuwan Weftigii dhinaca Somalilad ka socday oo iftiiminaya Waxyaabihii la isku afgartay
War Murtiyeed laga soo saaray Shirku markuu dhamaaday ayaa u dhignaa .
1. In wada shaqayni ay dhex marto Somaliland iyo Somalia, iyada oo laga duulaayo shirarkii Londoniyo Turkiga.
2. In wada shaqayn yeeshaan labada dawladood Somaliland Iyo Somaaliya iyo dawladda badali doonta TFG
3. In labada Madaxweyne ay kulan deg deg ah yeeshan oo isu yimadaan kuna kulmaan sadexda dal ee Imaaraadka carabta, Qatar iyo Swizerland midkood.
4. In labada dhinac ay samaystaan guddi farsamo oo sii anba qaada wada hadalada.
5. In caalamku ka shaqeeyo gargaarka labada waddan, waa Somaliland iyo dawladda ku meel gaadhka ah.
6. Inay ka wada shaqeeyaan la dagaalanka aragixisada, budhcad badeedda iyo arrimaha amniga
7. In la fudeydiyo isku socodka dhinaca xuduudaha ah mustaqbalka dhaw.
8. In khubaro dhanka qaanuunka, dhaqaalaha iyo ammaanka u yeedhaan labada dhinacba.
Tafaasiil iyo Sharax ku Wajahan Faa’iidada Shirkaasi u lahaa Somaliland.
Somaliland waxa shirkan ugu jira maslaxado badan oo kuwaasi oo lagu bayaamiyay 8-dii qodob ee war-murtiyeedkii laga soo saaray xambaarsanaa. Waxa laga xusi karaa in markii u horeysay beesha caalamku garwaaqsatay in Somaliland iyo Soomaaliya u wada hadlaan sidii laba qaran oo siman. Taasi oo ah horu-socod ka tujumaya hano-qaadka siyaasadda wasaaradda dibadda iyo gedi-socodka aqoonsi raadinta Somaliland.
Qobadda kale ee Somaliland ka faa’iiday waxa ka mid ah oo baaqii shirka ka soo baxayna meel sare kaga suntanaa in kaalmooyinka qaadhaan-bixiyeyaashu ay siiyaan wixii la isku odhan jiray Somalia ay Somaliland uga soo jaraan qaybtoodda, taasi oo ka mid ah himilooyinka qaran ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo diiradda ku haysay.
Waxa kale oo shirkan ergadii ka socotay dawladdii hore ee Ku meel gaadhka Somalia ee TFG-da Soomaaliya ay ku dhici waayeen inay la gole-yimaadaan dood-riyadoodkooda la xidhiidha inay Somaliland u haystaan maamul-goboleed ka caasiyoobay maamulkoodda maqaar-saarka ah. Waxaanay ku dhici waayeen inay miiska keenaan inay ka hadlaan madax-banaanidda Somaliland markii ay arkeen miisaanka gudidda Somaliland matalaysay oo runtii ka miisaan weynaa xilalkii ay kala xambaarsanaayeen tobankii xubnood ee labadda dhinac matalayay. Sidaas waxaan uga jeedaa Ergadda Soomaaliya waxay ahaayeen laba Wasiir, Safiir iyo laba Mudane oo ka tirsan baarlamaanka TFG-da, halka Somaliland ay ka socdeen Guddoomiye xisbi qaran, Guddoomiye Baarlamaan iyo sadex Wasiir oo wasaaraddo shilis jooga. Martigeliyeyaashuna waxay qabeen in Somaliland ay si ficil ah ugu soo diyaar-garowday shirkaas oo ahaa mid gogol-xaadh ah . Marka la qiimeeyo deg-degsiimadii Gudida loo magacaabay iyo masuuliyiinta isku dhafan ee shirka loo soo dirayba.
Waxa kale oo danaha siyaasadeed ee Somaliland uga soo baxay shirkan ka mid ah in dunidu si ili ma qabatay ah ay Soomaaliya ugu dirqido inay iimaansadaan madax-banaanidda Somaliland oo ay caalamku u arko mid waaqici ah oo aan indhaha laga dadbi Karin. Kulankan wajigiisii ku xigay Sida aan soo Tilmaanay wuxuu ahaa mid heer madaxweyne ah, arrinta iyana u baahan in la xuso ayaa ahayd in Madaxweynaha Somaliland ay shirkaas ku wehelinayeen Gudoomiyaha Xisbiga Udub ama Madaxweynihii hore ee Somaliland Md,Daahir Rayaale Kaahin,Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi ,Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe, Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax,Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada
Waxa kale oo Gudidan ay ku sifeeyeen Geesiyaal qaran oo hadheeyay ergadii dhigooda ahayd ee ay is hor-fadhiisteen.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sh,Axmed waxay qalinka ku wada duugeen War murtiyeed Nuxur ahaan u dhignaa in labada Madaxeyne ay dhiirigelinayaan sii ambo qaadista wada hadalada bilawga,Wasiirka Arrimaha Dibada Dr Maxamed C.laahi Cumar oo Qodobadaas ka hadlaya waxa uu yidhi.
Sidoo kale Gudoomiyayaasha Xisbiyada Qaranka iyo Hogaanka Golaha Wakiilada ee Madaxweynaha Socdaalkaas ku Wehelinayay ayaa ka Waramay Faa’iidada ka dhalan karta Wada hadalada hada uun u bilaabmay labada Dal ee Somaliland iyo Somalia Waxaana hadaladoodii ka mid ahaa.
28.04.2012 :Warlaliyihii weynaa ee Idaacada Radio Hargaysa oo dalka oo dhan wada gaadhaya ayaa laga soo dejiyay Dekada Magaalada Berbera ,Warlaliyahan ayaa awoodiisu tahay boqol Kilo Wat ,taas oo Muddo dheer loo dheg taagayay,isla markaana uu Xisbul Xaakimka Kulmiye ku galay balan-qaadadii Xiligii uu ku jiray doorashadii Madaxtooyada.
13/10/2012 waxa madaxweyne Siilaanyo uu qaaday tallaabo qeyb ka ahayd nabadeynta goboladda bariga waxaanu xukuumadiisa ku soo daray Guddoomiyihii Ururka SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) oo loo magacaabay Wasiirka dib u dejinta Somaliland. Waxa isna Wasiirul dawlaha nabadeynta ee goboladda bari loo magacaabay Keyse Cabdi Yuusuf oo isna hore uga tirsanaa jabhadii SSC.
18.10.2012: Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Xarunta Wasaarada Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu si rasmi ah Xadhiga uga jaray Warlaliyahan oo Guud ahaan Somaliland,Dalalka Mandaqada iyo Meelo kale oo durugsanba markii u horaysay laga maqlay Codka Qaranka Somaliland (Hadalkii Wasiirka Warfaafinta Iyo Madaxweynaha )
20/04/2012: Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa ku dhawaaqay 6 Urur Siyaasadeed ee ku Guulaystay inay ka qayb galaan doorashadii Golaha Deegaanka ee 28 bishii Novenbar ee 2012 ka qabsoontay Somaliland ,kuwaas oo kala ahaa Wadani,Xaqsoor,Rays,Umada,iyo Dalsanoo,isla markaana ay ku hadheen 9 Urur oo ka mid ahaa kuwii is diiwaangashay ,hasa yeeshee buuxin waayay Shuruudaha ku cad Xeerka Nidaamka Furashada Ururada Siyaasada, Gudida Diiwaangalintu waxay sidaas ku Shaaciyeen mar ay warbaahinta kula hadleen Xaruntooda Caasimada.
Waa kuwan Gudida Diiwaangalinta iyo Shaacintoodii Ururadii ka soo Gudbay Marxaladii hore ee Qiimaynta (Codad)
12.08.2012: Komiishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa u cayimay in 28ka bisha November 2012 ay dalka Somaliland Ka Qabsoonto Doorashadii Golayaasha Deegaanka oo ay ku tartamayaan Sagaal Urur Siyaasadeed,kuwaas oo u kala baxa 3dii Xisbi ee hore u jiray iyo 6dii Urur Siyaasadeed,taas oo uu Madaxweynaha J.S.Land digreeto ku dhaqan geliyay.Codkii Komiishanka ee Cayimaada Doorashada.
13/09/2012: Komiishanka Doorashooyinka,iyo todoba ka mid ah Ururada Siyaasada ayaa qalinka ku wada duugay Xeerka nidaamka iyo hab raaca doorashada golaha deegaanka “Code of Conduct”, Waxaana Qaadacay Xisbiga Udub iyo Urur Siyaasadeedka Nasiye.
Maxay Doorashadani kaga duwanayd tii Golayaasha Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay 15 bishii December 2002.
Waa marka hore waxay ahayd doorashadii Shanaad ee Somaliland ka qabsoonta Mudo Toban Sano ah,sidoo kale waxay ahayd Wareegii labaad ee Doorasho Gole Deegaan.
Doorashadii u horaysay ee Golaha Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay 15 bishii December.2002,oo ay ku tartamayeen 6 Urur Siyaasadeed waxay dadweynuhu u codaynayeen Urur,balse waxaa doorashadan loo codaynayay Murashax,Sidoo kale Astaanta doorashadii hore waxay ahayd caalaamada Ururka halka ay doorashadan ka ahayd Nombar u gaar ah Murashax kasta oo ka qayb qaadanayay doorashada Golayaasha deegaamada,Geesta kale hadii ay Doorashadii hore ee deegaanka ku tartamayeen Lix Urur Siyaasi waxaa tan ku Loolamayay Todoba Urur oo Isugu jiray Laba Xisbi iyo Shan Urur Siyaasi.
Dhinaca kale waxay ahayd doorashadii ay Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo qabato Mudadii ay hogaaminta qaranka haysay.
(2) doorashadii Golayaasha deegaanka oo ahayd Qaranimada Somaliland oo Guul ka gaadhay Tijaabadii ugu weynayd ee Imtixaanka Caalamiga ah iyo Sidii aynu uga Gudubnay.

28kii bishii November 2012: ayaa dadweynaha Somaliland waxay u dareereen Goobaha Codbixinta ee doorashadii Golayaasha Deegaanka waxay ahayd doorashadii ugu adkayd ee ina soo marta mudadii tobanka sanadood ahayd ee aynu ku jirnay hanaanka dimuquraadiga ah iyo doorashooyinka Xorta ah Iyadoo Umadda Somaliland ay tan iyo markii ay dib ula soo noqotay Madaxbanaanideeda sanadkii 1991-kii ay la kulantay marxalado kala duwan oo adaygooda lahaa, dariiqa Nadaamka Dimuqraadiyadda ay u soo martayna uu culays badan lahaa, dalkana laga qabtay Doorashooyin kala duwan sida Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka ee 2002, Doorashooyinkii Golaha wakiilada 2005 iyo kuwii Madaxtooyada 2003 & 2010, qabsoomidoodiina ay keentay in beesha caalamku Somaliland ula dhaqanto qaab dawladeed ayaa hadana Doorashooyinka golayaasha Deegaanka ee dhowaan la qabanayo waxay u muuqdaan in ay yihiin kuwo ka miisaan weyn dhamaan doorashooyinkii hore sababao badan dartood.
Doorashooyinkan Golayaasha Deegaanku waxa ay qabsoontay iyadoo meeqaamkii Madaxbanaanida Somaliland wax weyni iska bedeleen oo tallaabo dheer hore loo qaaday oo beesha caalamku isla qaadatay in labadii Wadan ee midoobay sanadkii 1960-kii ay ka wada hadlaan mustaqbalkooda siyaasadeed.
Qabsoomidda doorashadani waxay ahayd tijaabo adag oo ay Somaliland u martay gaadhista himiladeeda iyo hadafka aynu tiigsanayno, maadaama ay qaab xasilooni ah doorashadu u qabsoontay lana wada aqbalo natiijada ugu dambaysa ay taasi ina gaadhsiin doonto duleedka doonisteena Qaranimo dhamaystiran, imtixaanka tijaabada ahna uu noqday mid aynu ku gudubnay ,isla markaana ka dhabaynay inaynu nahay ummad maskax ahaan isku filan.
Doorashadii golaha deegaanka ee somaliland ka qabsoontay 28kii bishii November oo ahayd doorashadii Shanaad ee dalkan ka hirgasha laga soo bilaabo 2002-dii,waxa ay dhinaca kale ka ahayd Wareegii labaad ee doorasho golayaal deegaan.
Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa waxay u muuqday inay yihiin gudida Doorashooyinka ee qaaradda Afrika tan iyo waxii ka dambeeyey markii ay hanaan dhaxalgal ahaa ku hirgeliyeen doorashooyinkii Madaxtooyada ee Somaliland bishii June ee Sanadkii 2010.
Bulshada somaliland ayaa iyana muujiyay Qaangaadhnimo iyo inay kala saaraan in Afkaarta lagu kala duwanaado balse laga midaysan yahay adkaynta iyo himilada Qarankan.
Xukuumada Somaliland ayaa bixisay kharashkii doorashada oo dhamaa $2,000,000 US Dollar ah oo u dhiganta 33%,iyadoo markii hore ay dawladu bixin jirtay 25%. Waxaa kale oo ay Ururada/Xisbiyada ka bixisay gaadiidkii ay ku qaadan lahaayeen muraaqibiinta oo kharashkoodu gaadhay illaa $150,000 US Dollar ah.

Waxaa markaas kadib hadana soo baxay kharash kale oo Komishinku uga baahdeen culays goobaha kaga soo kordhay,kaas oo dhamaa adduun dhan $100,000 US Dollar ah. Waxaa kale oo Xukuumadu iyadoo ka Mas’uula dhanka nabadgalyada ay diyaarisay ciidamadii amaanka ee dhamaan goobaha codbixinta, oo gaadhay illaa 6000 oo askari.
Arrinta kale ee in la Xuso u baahan ayaa waxay tahay in markii u horaysay ay Magaalada Laascaanood doorasho Xor ahi ka qabsoontay isla markaana ay yeelatay Gole deegaan,halka ay markii hore Xukuumadu u magacaabi jirtay Maayarka iyo Ku Xigeenkiisa.
Dhinaca kale Sida uu Jidaynayo Xeerka Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo Madaxtooyada Gudoomiyayaasha Komiishanka ee Heer Degmo iyo Mid Gobol ayaa Shaaciya natiijada hor dhaca ah ee sida ay Murashixiinta iyo Ururadu ugu kala Guulaysteen Codbixintii Doorashada ,iyadoo Gobol iyo degmo weliba si gooni ah ugu dhawaaqday natiijadii Codbixinta iyo Murashixiinta ku guulaystay Kuraasida loo tartamayay.
Dhinaca kale Goob joogayaal Caalami ah oo ka kala socday Shan iyo Toban Wadan oo ay ku lamaanaayeen in ku dhow Todoba Boqol oo Goob joogayaal Maxali ah ayaa ka hawl galay sidii ay u dhacday doorashadii Golayaasha Deegaanka isla markaana ka soo saaray Warbiximo hor dhac ah .
03.12.2012. Shirkaa jaraa’id oo ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha Komishinka Doorashooyinka, hawl wadeeno ka kala socday ururada wadaniga ah ee dhinaca nabadgelyada iyo isku xidhka ayaa goobjoogayaashu waxay ugu dhawaaqeen inay doorashadii golayaasha deegaanka Somaliland ay ku qabsoontay si nabadgelyo ah, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin sida ay tiro badan oo dadweyne ahi uga qayb qaateen iyo weliba sida ay dad dhalinyaro iyo haween ah oo ka badan kuwii doorashooyinkii hore isu soo sharaxeen, iyagoo kormeerayaashu mar kale sheegay inay warbixintooda kama dambaysta ah soo gudbin doonaan marka lagu dhawaaqo natiijada kama dambaysta ah.
Doorashadan oo ay ka qayb qaadanayeen labo Kun sadex boqol iyo Sideed iyo Lixdan musharax, una tartamayey sadex boqol iyo sagaal iyo todobaatan kursi oo Lixda gobol ee Somaliland ah. Musharixiintaas oo ka kala socday todobo urur siyaasadeed.

Waa Dhab in hawl kasta oo la galaa ay yeelan karto Dhaliil,Doorashadii Golayaasha Deegaanka kuma aynaan gelin wax diiwaangelin ah sidaa awgeed waa mid la filayay laguna xisaabtamay in dadka qaar ay halkii Cod ee ay Xaqa u lahaayeen ,wax ka badan inay ku noqnoqdeen,hasa yeeshee looma nisbayn karo in doorashadu ay ahayd mid Khaldan waxaase Muran la’aan ah inay ahayd mid ay ka midaysnaayeen daneeyayaasha Doorashada oo ah Xisbiyada Iyo Ururada Siyaasada iyo Weliba Musharixiintii ka qayb qaadanaysay Doorashadan, waxaan tusaale arrintan ku saabsan u soo qaadan doonaa Weedhihii ay arrintan ka yidhaahdeen Madaxda Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada gaar ahaan Markii ay Wada Saxeexeen Heshiiska Anshaxa Doorashada.
26.12.2012: Gudida Diiwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa ku dhawaaqay Sadexda Xisbi ee ku Guulaystay Doorashadii Golayaasha Deegaanka isla markaana ku Loolami doona Doorashooyinka dalka ka dhici doona Mudada Tobanka Sanno ee Soo Socda kuwaas oo kala ah Xisbiyadda KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Agaasimaha fullinta xafiiska ka hortagga budhcad-baddeeda ee Somaliland Maxamed Cismaan Axmed oo horaantii bishii December ee kal-hore tafaasiil ka bixiyay tiradda maxaabiista budhcad badeeda Soomaalida ee lagu soo xukumay wadanka Seychelles ee lagu hayo dalka, waxaanu yidhi “Wadarta guud ee aanu la wareegnay ee maxaabiistani ay noqonayaan sagaal iyo labaatan maxbuus oo ku yimi heshiis ay kala saxeexdeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Madaxweynaha Dowladda Seychelles heshiiskaasi oo 22-kii February ka dhacay magaaladda London ee wadanka UK.”

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sanadkii galbaday dhambaal hambalyo ah u diray dawladda Britain oo uu ku bogaadiyay guushii taariikhiga ahayd ee Orodyahanka Mo Farah oo u dhashay Somaliland iyo Britain uu ka soo hooyay tartankii ciyaarihii olombiga oo uu ku guulaystay tartamadii orodada 5 kun iyo 10 kun ee Mitir.

Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland ayaa 6 ka mid ah hawl-wadeenadoodii mudada dheer u soo shaqeynayay wasaaradaasi gudoon siisay min 10 kun oo Dollar, ka dib markii ay hawl gab ka noqdeen shaqooyinkii ay hayeen. Waxaanay macalimiintaas shaqada ka fadhiistay ay sheegeen inay ku diirsadeen abaal celinta ay xukuumaddu u garatay, waxaanay taash ammaan ah dusha ka saareen Wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare marwo Samsam Cabdi Aadan oo fulisay mashruucaasi wax ku oolka ah oo soo jiitay indhaha rayul caamka.
30/12/2012:- Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa ansixiyay Odoraska miisaaniyad sanadeedkii xukuumadda dhexe iyo kabka dawladaha hoose ee dalka oo ah miisaaniyadii ugu badnayd ee Somaliland yeelato. Iyadoo waliba xukuumaddu ay sanadkii tagay Golaha wakiiladda markii u horeysay ku horgeysay xiligii sharcigu jideeyay oo ah bisha December.

Miisaaniyadda Sanadka 2013 waxay dhan tahay 1,114,284,198,751 Sl.sh una dhiganta $185,714,033.
Miisaaniyaddu waxay ka koobantahay afar qaybood oo kala ah :-
1. Miisaaniyadda Dawladda dhexe 750,000,000,000 sl.sh una dhiganta $125,000,000
2. Miisaaniyadda Hay’adaha Madaxa banaan ee Dawladda Dhexe 215,127,269,668 Sl.sh una dhiganta $35,854,545.
3. Dawladaha Hoose 71,156,929,083 Sl.sh una dhiganta $11,854,488
4. Deeqda Sanduuqa Somali trust fund(Denmark & Britain) 78,000,000,000 Sl.sh. una dhiganta $13,000,000.
Miisaaniyaddan waxa ku jira mashaariic badan oo horumaineed oo ay ka mid yihiin bixinta darajooyinka ciidammada qalabka sida, horumarinta Waxbarashadda, caafimaadka, horumarinta wadooyinka iyo siyaasadda arrimaha dibadda.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. C/Casiis Maxamed Samaalle oo ansixinta miisaaniyadda ka dib u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa Golaha Wakiiladda uga mahad celiyay ansixinta miisaaniyadda oo Golaha Wakiiladu ay markii u horeysay maalmo kooban ku meel-mariyeen.
Waxa sanadkana xukuumaddu guntiga u xidhatay inay sii laban laabto waxqabadkeeda la xidhiidha dhinaca horumarinta iyo iib-geynta qadiyadda Somaliland oo labaduba ah ahmiyadeeda koowaad.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com