Jaaliyada Kuwait oo Deeq Lacageed Gaadh siiyay dadkoodu ku waxyeeloobay mudaharaadyadii Boorame

Boorama (Somaliland.Org)-. Jaaliyada Gobolada Awdal iyo Salel ee dalka Kuwayt ayaa maanta deeq lacag ah soo gaadhsiiyay qoysaskii dadkii ku dhintay iyo kuwii dhaawacmay banaan baxyadii ka dhacay magaalooyinka Boorama iyo Lughaya todobadkii la soo dhaafay.

deeqdaas oo dhamayd $3,000 ayaa waxa soo gaadhsiiyay Gudoomiyaha isku xidhka gudaha iyo dibada goboladan Xaaji C/qaadir Aadan Nuur, Gudoomiyaha Jaaliyada goboladda Awdal iyo Salel ee dalka Kuwayt Axmed Ibraahim Caateeye.

Munaasabadan deeqda ah ayaa waxaa kala qayb galayay qaybinteeda qaar ka mid ah salaadiinta gobolka oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Abshir iyo Suldaan Maxamed Cabdi kuwaas oo sidii loogu tallo-galay ugu qaybiyay Laba qof oo ku kala dhintay Magaalooyinka Boorama iyo Lughaya Iyo Dhaawacyadii oo gaadhayay Lix qof kuwaas oo ku kala jiray cisbitaaladda Magaalada Boorama.

Waxaa hadalo mahad-naq u badnaa ka soo jeediyay qoysaskii iyo waalidiintii ay dadkoodu ku waxyeeloobeen mudaharaadadii kuwaas oo sheegay in ay aad ugu mahad naqayaan walaalahooda soo xasuustay kana filayaan walaalahooda kale in ay sidaas jaaliyada Kuwait ay yeeshay ay kaga daydaan.

Dhanka kale waxaa iyaguna halkaas baaq iyo mahadnaq ka soo jeediyay Xaaji C/qaadir Aadan Nuur, Suldaan Abshir Iyo Suldaan Maamed Cabdi kuwaas oo Jaaliyada Kuwait uga mahadceliyay in ay noqdeen jaaliyadii ugu horeysay ee Deeq lacageed u soo dirta walaalahooda dhibaabtadu ku dhacday , waxa kale oo ay baaq u direen jaaliyadaha kale ee dunida dacaladeeda ku nool in ay ku daydaan walaalahooda Reer Kuwait talaabada wanaagsan ee ay qaadeen loogana fadhiyo gargaar iyo waxqabad deg-dega oo ay dadkaasi u baahanyihiin.

.Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa