Xisbiga WADDANI Oo Xaflado Waaweyn oo Dabaal deg ah ku qabsaday Goboladda dalka

Hargeysa (Somaliland.Org)-Xisbiga waddani oo ka mid ah sadexda xisbi ee ku soo baxay doorashada golaha deegaaka ee Somaliland ka dhacday bishii November ayaa munaasibad balaadhan oo ay ugu dabaaldagayaan u goorida xisbi qaran ku qabtay gudahaa magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal.

Xafladani oo ahayd mid si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiinta ugu sareeya xisbiga WADDANI oo ay mid yihiin gudoomiye ku xigeenka koowaad Axmed Muumin Seed,Dr Buuxane ,Gudoomiyaha xisbiga Wadani ee Gobolka Awdal Cabdikariim Muuse Maal ,Salaadiin,21 xildhibaan ee u tartamaya xisbiga Wadani oo ka kooban kuwii hadhay iyo kuwii soo baxay iyo taageerayaasha xisbiga WADANI ee Boorama.


Waxaana ugu horayntii ka hadalay madashaasi masuuliyiinta sare ee xisbiga Wadani kuwaasi oo dhamaantood marka hadaladood la isku soo wada ururiyo ay ku soo biyo shubanayeen sida ay ugu faraxsan yihiin in xisbigoodu u soo gudbo tartanka loogu tartami doono doorashooyink madaxtooyada Somaliland iyo kuwa Golaha Wakiiladaba.

Waxaanay hambalyo ku direen dhamaanba taageerayaashii xisbiga WADDANI ee u ku sugan wadanka gudihiisa iyo dibadiisab.

Madashada oo ahayd mid ay isku arkeen siyaasiyiin culus oo ay ka mid yihiin Prof: Qaasim Sh. Ibraahim Tubeec oo ahaa gudoomiye kuxigenkii ururka Ummada, gudoomiyayaasha xisbiyada Kulmiye iyo UCID ee heer gobol Muuse Carab, iyo siyaasiyiin kale ayaa waxa aad hadaladiisa loogu dheg taagey Prof: Qaasim oo tibaaxey : “In Hadii ay rabaan Xisbiga Wadani aan ku soo biirno waanse ka fiirsaneynaaye in hadii ay nuhiimada koowaad siinayaan Awdal iyo S/land aan u arki karno in ay yihiin kuwii loo baahnaa” waxa uu intaas ku sii darey: “Hadii Ninku marka uu ninku gaadho wixii u doonaayey uu Hargeysa u guuro ma ah kii aan rabney, hadii uu reerka xataa Jimcayaasha soo booqan waayo isna ma ah kii aan u baahneyn ee qofku meel kasta oo uu gaadho hadana waa in uu ilaaliya xuquuqaha lagu leeyahay badankooda.”

Salaadiinta ka soo qayb gashey ayaa laf ahaantoodu aad ugu mahad naqay hogaanka xisbiga Wadani.
Dhamaanba dadka ka Hadley madasha ayaa tacsi u direy dhawaan wiilkii ku geeriyoodey Mudaharaadadiika dhacey Boorama kuwa dhaawacana Ilaahey u baryey in uu caafiyo.

Sidoo kale, waxa xaflad noocan oo kale ah lagu qabtay Magaalooyinka Berbera.Ceerigaabo, Laascaanood iyo Burco, siday ku soo waramayaan weriyeyaashayada goboladda dalka.

Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa