“Maayarka & Maayar Ku Xigeenka La Leeyahay Waxa Loo Doortay Saylac, xagee ayay Xukumayaan”

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Somaliland Cabdi Siciid Faahiye, ayaa sheegay inaanay beesha Ciise ee uu ka soo jeedaa marnaba aqbali doonin oo aanay raali ka ahayn Maayirka iyo Maayir ku xigeenka Degmada Saylac loo doortay, kuwaas oo uu sheegay inaanay marnaba maamuli doonin deegaanada ay beeshoodu degto, maadaama aan laga ogolayn.

Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha iyo Dhalainyarada ee Somaliland Cabdi Siciid Faahiye oo ah Af-hayeenka Wefti isugu jira Madaxdhaqameed iyo Waxgarad ka soo jeeda beesha Ciise ee degta Gobolka Selel oo hargeysa u jooga sidii ay Xukuumadda ugala hadli lahaayeen tabashada ay ka qabaan Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac oo ay Beesha Samaroon oo la degtaa ka qaadatay Maayirkii iyo ku xigeenkiiba, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay weli socdaan wada hadalladii ay Xukuumadd natiijo ahi ka soo bixin, balse lagu deg degay doorashada Maayirka iyo ku xogeenka degmada Saylac.

Cabdi Siciid Faahiye oo maanta Warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa waxa uu yidhi “Guud ahaanba wax ay Beesha Ciise ka rumaysan tahay natiijada doorashadii deegaanka ee dalka ka dhacday ka rumaysan tahay ma jirto, gaar ahaan Saylac iyo Lug-haya, markaa Maayirka iyo Mayir ku xigeenka la leeyahay waxbaa Saylac loo doortay cid ay xukumayaan ma garanayno anagu hadaanu nahay beesha Ciise, kuwii anaga noo soo baxayna banaanka ayey iska joogaan oo ma lihin ha is doortaan sida kuwa kale, waxaanu u gudbinay tabashadayada Xukuumadda oo aanu weli ka sugaynaa inay wax ka soo saarto, waxaas dhacayana wax aanu anagu ognahay ma aha, guud aha Guddida Beesha Ciisena waxay ku ballantay shir Ballaadhan inay beeshu isgu timaado, shirkaasina waxa uu ka dhici doonaa dalka Somaliland gudihiisa”

Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha Somaliland Cabdi Siciid Faahiye oo ka hadlayey Ergadii ay beesha Ciise waday ee ay Xukuumadda kagala hadlaysay tabashadooda, waxa uu yidhi “Anagu ergo ayaanu ahayn, ergadaasina wixii aanu sidnay waxaanu u gudbinnay Xukuumadda, markaa weli way socdaan Wada hadalladii Xukuumadda noo dhexeeyey, markaa waanu ka xunnahay wixii dhacay ee laga shaqaynayey, dalkani waxa uu ku cano maalay waxay ahayd nabadda, waxaanu dal ku yahay is ogolaanshaha, waxaanay ku jirtaa Distoorkeena, waxaanuu leeyahay qof walba ha lagu ixtiraamo gurigiisa, Deegaanada uu Maayirka nla doortay maamulayi waxa ka mid ah Saylac ilaa Geerisa.

waxa dega Beesha Ciise, markaa Maayirku miyuu duulayaa oo diuaarad ayuu raacayaa, markaa qofka waa in laga ogolyahay meelaha uu
maamulayo, ninka Maayirka loo doortayna wuu nala degaa deegaanka, laakiin ma aha aqlabiyaddii deegaanka oo waa lagag badanyahay, haddii aan la is ogolaynn oo ay mudi middi ku taag noqoto nin waliba waxa uu doono ayuu samaynayaa.”

Somaliland.Org/Hargeysa