Guddoomiyaha WADDANI oo Khudbad Dheer Oo Taariikhiya ka Jeediyay Wanqasha Xisbigooda

“Waxa jira dad xeerka jabiyey oo sadex jeer guddoomiye isku sharaxay”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Cirro) ayaa ka hadlay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu ugu dabaal degayo guusha xisbigiisu ka gaadhay doorashadii dalka ka dhacday.

C/raxmaan Cirro guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa ka hadlay xaalada dalku marayo, mucaaradnimada ay ku shaqaynayaan nooca ay noqon doonto, mansabyada badan ee khilaafka keenay iyo qodobo kale oo badan.

Guddoomiyaha ayaa maanta mar uu khudbad ka jeedinayey xaflad uu xisbigiisu ku qabsaday Hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo uu ugu dabaal dagayo guushiisa xisbinimada uu u soo gudbay ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay dedaalada ay mustaqbalka samayn doonaan iyo waxyaabaha wax ka qabashada u baahan ee dalka ka jira.

Guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa khudbadiisa ku bilaabay “Dhamaan waxaan marti sharafta ku salamayaa salaanta Islaamka, Waxa kale oo aan mar kale salamayaa dhamaan Madaxda ka soo qayb gashay munaasibadan aynu ku xusayno guusha Xisbiga Waddani, waxaan marka hore u mahad naqayaa ILAAHAY, waxaan kale oo aan ku xigsiinayaa cidkasta oo u codaysay Xisbiga Waddani, sidoo kale waxa aan u mahadnaqayaa Xildhibaanadii hadhay iyo kuwii soo baxay waxaan leeyahay waxaanu ku fanaynaa waa codkinii,. Waxaanu u mahadnaqaynaa dhamaan tageeryaashii xildhibaanada Golaha Degaanka is ka sharaxay Waddani.

Guusha Xisbiga Waddani u soo hooyatay waa codkiniin maaha cod rooxaan noogu yimid, Waxaanu u mahadnaqaynaa dhamaan Degaanada dalka Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi “Madaxweynaha Saxiib ayaanu nahay iyo Muuse Biixi. Waxaanu soo bandhigi doonaa siyaasad cad oo aanu u sheegayno xukuumada wixii khalada, waxaanu dhamaan aqoonyahanka u sheegaynaa inuu Waddani yahay madal la is kugu imanayo. Waxa soo baxay Xisbiyo Qaran.

Xisbiyada soo baxay qaar waxaad moodaa inay caytamaan oo ay shahaado toban sano ah u heleen sidii ay u caayi lahaayeen cid kale, waxa jira qodobo dastuurka ku qeexan oo aan la isku qaban Karin, qaranku waxa uu ka kooban yahay sadex waaxood sharci dejin, garsoor iyo fulin, waxaanay cadeeyeen inay kala madax banaan yihin, ninka maanta wasiir noqda waxa sharci ah inuu iska casilo haddii uu golaha wakiilada ku jiro, su’aal baa jirta ay dadka xisanayay ay ku wareereen, guddoomiyaha golaha wakiiladu xaq ma u leeyahay inay qabsadaan xisbi, sanadbay loyara qabsadeen , waxa ay u tageen xisbiyada waxa ay yidhaahdeen meel la isku hayn karo ma hayno, laakiin waxa ku qoran sharciga Somaliland inaan guddoomiye xisbi laba jeer wax ka badan guddoomiye xisbi noqon Karin, waxa jira dad xeerka jabiyey oo sadex jeer guddoomiye isku sharaxay , waanad iska wada garanaysaan baan u malaynayaa, qolada diiwaangalintu waxa ay lahaayeen xisbiyada waxaanu ku ilaalinaynaa inay sharciga ilaaliyaan, ninbaa sadex jeer guddoomiye isku sharaxay sadexda jeerba Hargeysa ayaa lagu doortay, waxaan u malaynayaa saaxiibkay guddoomiye Faysal dastuurka wuu ka soo waayey, barigii hore waxa ku jirtay ah kaliya, waxaan u sheegayaa ah kalena inaan ku darayo, guddoomiyaha golaha wakiilada, ahna guddoomiyaha Waddani ahna musharax madaxweyne”.

Guddoomiye Cirro Oo Digniin u diraya Musharaxa Madaxweynaha xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu yidhi “Kalmad baan ku darayaa silsilad xaydha la yidhaahdo ayaa jiri jirtay oo niman isku deegaan ah ayaa soo dhex galay, dabadeedna nin kale ayaa soo dhex galay oo guuleed xawaashe ayaa soo dhex oo iyagiibaa yidhi maxaa ninkaasi ina soo dhex galiyey, waxaan saaxiibkay Jamaal u sheegayaa in uu arinkaasi ku xiiqay sanad dabadeedna cid ka nasisa ayuu doon doonayo Jamaal ayuu ku yidhi iga nasi, laakiin Jamaal mar kale waan la taliyey oo waxaan ku idhi qori nin kale cabeeyey ha ku xiiqin, waxaanan u sheegayaa arin nin kale ku xiiqay iskaga tag”.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ayaa waxa uu sheegay inay deg degeen xisbiga UCID oo loo baahan yahay inay gartaan cida ay mucaaradka ku noqonayaan “Xisbiga UCID waa xisbi mucaarid ah waxa la doonayaa in cida uu mucaaridka ku noqonayo inuu garto, waad soo yara deg degteene mucaaradadiinu waxa ay ahayd inaad mucaaradaan Muuse Biixi iyo saaxiibkay Axmed Siilaanyo oo labadeena waxa la inaga rabay inaynu isku kaashano.

Walaalayaal waxaan ku darayaa intaasi laba kalmadooda ta koowaad wax weyeen nabadgelyada oo badeecad qudha ayeynu iibinaa oo waxa qudha ee aynu haysanaa waa nabadgelyada, waxa aynu galnay doorasho waxa ka soo baxay qaladaad badan, waxa ka soo baxay markaanu qiimaynay doorashadii dalka ka dhacday oo ay Komishanka Doorashooyinku qabteen maamul xumo baahsan, taasi oo lumisay kalsoonidii shacabka, waxa kale oo cabasho badani ka soo baxday markii la dooranayey maamulada goleyaasha deegaanka in xukuumadda Somaliland farogalisay, waxa aynu u baahanahay inaynu hagaajino khasaaraha ka dhashay oo waxa inagaga dhintay dad, qaar kalena way inagaga dhaawacmeen, waxaan ILAAHEY ka baryayaa inay inuu intii ku dhimatay naxariistii jano ka waraabiyo, maanta waxa aynu dooranay goleyaal deegaan wax aynu u baahanahay in aynu fursad siino oo ay hawshooda u madax banaanaadaan, waxa aynu u baahanahay in garsoorka la tayeeyo oo shacabka ayaa aad uga cabanaya ee dib u eegis lagu sameeyo.

Siyaasadda arrimaha dibada Waddani waxa uu aaminsan yahay in siyaasada arrimaha dibada u tahay tiir dhexaad, xukuumadda Somaliland waxa looga baahan yahay inay ibo bixiso siyaasad cad oo lagu horumarinayo siyaasadda arrimaha dibada Somaliland, dawladuhu waxa ay ku dhismaan cashuurta muwaadin kasta waxa ku waajibaya inuu cashuurta ku waajibtay iska bixiyo, waxa loo baahan yahay inaynu samayno nidaam maalgashiga hirgalinaya, waxa aynu u baahanahay inaynu siyaasad lacageed samayno, waxa aanu xukuumadda u soo jeedinaynaa inay samayso nidaam dhaqaale oo lagu horumariyo dalka, dawladduhu waxa ay ku caan yihiin inay wax kala iibsadaan laakiin inaga Somaliland waxa aynu Itoobiya ka iibsanaa Jaad badan, waxa aynu u baahanahay inay samayno wixii aynu u iib gayn lahayn.

waxa aynu u baahanahay inaynu samayno nidaam shaqo loogu sameeyo dhalinyarada Jaamacadaha ka soo baxaysa nidaam shaqo loogu sameeyo, waxa aynu u baahanahay inaynu samayno nidaam aynu ku horumarino dalkeena”. Ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyey Guddoomiyaha Xisbiga Waddani C/raxmaan Maxamed C/laahi (C/raxmaan Cirro).

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com