Xisbiga UCID oo Wakiil Cusub u Magacaabay Sucuudiga

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa magacaabay wakiilka xisbigaasi ee dalka Sucuudiga.

Sidaasna waxa uu Guddoomiyaha UCID ku sheegay war-saxaafadeed uu maanta Hargeysa ka soo saaray, kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Markaan arkay Mabaadiida Xisbiga UCID ee xidhiidh ka Caalami, markaan arkay Siyaasada Boqortooyada Sacuudi Arabeeya iyo Xidhiidhka Somaliland ee Sii Xoogaysanaya, markaan fahmay kor u kaca Dhaqaale iyo hufnaanta Siyaasadeed ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Arabiya, markan arkay baahida wayn ee loo qabo isku xidhka labada Dal. waxaan gartay in aan magacaabo wakiil-ka Xisbiga UCID ee Dalka Boqortooyada Sacuudi Arabeeya.

markaan arkay aqoontisia kartidiisa iyo khibradiisa waqtiga dheer waxaan u magacaabay Khadar Xuseen Diiriye wakiilka Dalka Boqortooyada Sacuudi Arabeeya ee Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID.”

Somaliland.Org/Hargeysa