Madaxweyne Siilaanyo Oo Cisbitaalka Ku Booqday Dhaawacyadii shilkii Baabuur ee Ka Dhacay Haleeya

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka Cisbitaalka Guud ee caasimada Hargeysa ku booqday dhaawacii shalay ku dhawacmay shilkii baabuur ee ka dhacay agagaarka tuuladda Haleeya ee bariga Hargeysa, kaasi oo ay ku dhinteen 5 qof halka 25 xubnood oo Boolis ahina ku dhaawacmeen labadaas baabuur ee isku dhacay.

Madaxweynuhu waxa uu saaka qof-qof u soo booqday dhaawaca ku sugan Cisbitalka Hargeysa, waxaanu madaxweynuhu soo kormeeray waadhadhka ay ku sugan yihiin dhaawacyadii shilkaasi isaga oo soo arkay 4 askari oo iyaga ay xaaladoodu aad u culus tahay oo kuwaas oo ku sugnaa qolka gargaarka deg-dega ah ee cisbitaalka.


Ka dib madaxweynuhu waxa uu ku soo laabtay Qasriga madaxtooyada isaga oo lug ku yimid xafiiskiisa madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland.

Waxa madaxweynaha ku wehelinayay Booqashada Wasiirrada Madaxtooyadda, Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com