Madaxweyne Ku Xigeenka oo Ka Qeyb-galay Aaskii Sadexdii Askari ee k u dhintay shilkii Haleeya

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb galay Aaska ALLE ha u naxariistee sadex askari oo Boolis ah oo ka mid ahaa shan qof oo shalay ku qudh-baxay markii laba Baabuur oo midi ciidan boolis ahi saarnaa iyo gaadhi shaamboo ah oo dad rayid ahi wateen isku dhaceen tuuladda haleeya ee duleedka bari ee magaaladda Hargeysa.

Waxa maanta sadexaasi askari ee ka tirsanaa ciidanka booliska oo uu midi sarkaal ahaa aas qaran loogu sameeyay Xabaalaha Naaso-hablood ee magaaladda Hargeysa. Waxaana aaskooda ka qeyb galay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici), Wasiirka Daakhiliga, Md. Maxamed Nuur Caraalle (Duur), Taliyeyaasha ciidammadda Booliska, Ciidanka Qaranka iyo Asluubta iyo kumanaan dadweyne ah oo ka mid ah bulshadda ku dhaqan caasimadda Hargeysa.


Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay aaskaasi ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii, ciidanka Booliska iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen sadexdaasi marxuum, waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodii, ciidanka Booliska iyo Shacbiga Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo..
Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu sheegay in shilkaasi uu ahaa mid naxdin leh, waxaanu dhammaan 25-kii askari ee ku dhaawacmayna ILAAHAY uga baryay inuu shaafiyo.

Sidoo kale, waxa dhambaalo tacsi ah halkaasi ka diray Taliyeyaasha ciidammadda qalabka sida ee Somaliland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Somaliland.Org/Hargeysa