TV-ga Qaranka Oo Bilaabay Barnaamij Lacago Loogu Gurayo Dadka Qaba Xanuunadda maskaxda & Darbi Jiifka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Kulan qaadhaan loogu ururinayay dadka dhimirka wax ka qaba iyo Darbi-jiifka ayaa habeen hore lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, waxaana soo qaban qaabiyay Telefishanka qaranka.

Kulankaasi waxa ka soo qayb galay xubno isugu jira golayaasha qaranka, maareeyayaasha hayadaha dawlada iyo marti sharaf kala duwan.

Maareeyaha TV-ga qaranka Khadar Cali Gaas oo ka hadlay furitaankii kulankaasi waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay bahda TV-ga qaranka ama wasaaradda warfaafinta waxaanu sanadka cusub ee 2013-ka qorshaynay, in aanu bulshadeena si joogto ah ugu baraarujino barno aqoonta iyo sida loola dhaqmo iyo sidii caawimo wada jir ah loogu gaysan lahaa dadkeena qaba xanuunka dhimirka oo maanta siyaabo kala duwan ugu dayacan guud ahaan magaalooyinka Somaliland.”

Maareeyaha TV-ga qaranku waxa uu intaasi ku daray “Xafladan oo aanu ugu tallo galay in qaadhaan loogu guro dadkeena dhibaataysan oo dalka iyo dibadiisa isku mid ah looga daaway waxa uu noqon doonaa mid joogto ah.”

Salma Sh. C/raxmaan Walaaleeye oo ka mid ah hawl-wadeenadda TV-ga qaranka ee dalka ayaa waxa ay tidhi “Kulanka ama casho sharaftan aanu isugu kiin yeedhnay waxa ay u jeedadiisu tahay in aanu idinku baraarujino dhibaatada haysata ummadeenii jilicsanayda. Wax kale oo aanu doonaynaa in aanu sanadka cusub ee 2013-ka ay bulshada Somaliland guddo iyo dibadba ay ku baraarugaan sidii wax loogu qaban lahaa dadkaa jilicdasan ee dhimirka waxka qaba iyo ubadkaa ay dadkoodii awoodi waayeen in ay dibadaha ka xareeyaan, waxaanu soo marnay xarunta ama dhakhtarka dhimirka ee Hargeysa waxaanay noo sheegeen in dadka ay baabuurtu jiidhaa ay u badan yihiin dadka maskaxda ka xanuunsanaaya ee waddooyinka tuban ee aan haysan cid xanaaneysa oo xaraysa.”

“Waxaanu caawa xaflad ku soo casuumay dad gaadhaya ilaa laba boqol iyo konton, waxaananu doonaynaa in intiina timid iyo inta aan nasibka u yeelan aynu dhammaanteen ku baraarugno dhibaatadaa haysata dadka jilicdasan ee gobollada iyo degmooyinka ee aanay wali gaadhin goobaha lagu daryeelo dadka la nool xanuunka dhimirka ama awoodi waayay in ay helaan gacan caafimaad in aynu halkan caawa ka bilawno qaadhaan aynu wax kaga qabano arrintaa sanadkaa cusubna ay guud ahaan shacbiga Somaliland inta awoodi karta ay soo bixiyaan qof waliba inta uu awoodo,” ayay ku soo gunaanaday hadalkeedii.

Waxa iyaguna halkaa ka hadlay Wasiirradda wasaaradaha qorshaynta, macdanta iyo biyaha, wasiir dawlaha wasaaradda maaliyadda, xildhibaano iyo xubno kale oo faro badan, waxaanay dhammaantood sheegeen in arrinta uu TV-ga qaranku soo abaabulay ay tahay arrin ahmiyad leh oo waajib ah.

Wasiirradaasi waxay sheegeen inay wixii awoodooda ah ay wax la qaban doonaan, waxaanay shacbiga u soo jeediyeen in la taageero barnaamijkan TV-ga qaranku Bilaabay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com