Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Khasaarihii shilkii Baabuur ee Haleeya ka dhacay oo sii kordhay

Hargeysa (Somaliland.Org)-Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Gen. CabdilaahiFadal Iimaan ayaa sheegay sheegay in shilkii ugu xumaa maanta soo maray mudadii uu ku jiray ciidanka Booliska, waxaanu tafaasiil ka bixiyay khasaarihii ka dhashay baabuurkii Boolisku watay iyo gaadhi shicib ah oo isku jiidhay maanta duleedka Hargeysa.

Taliyaha Booliska oo booqday ciidanka booliska eek u dhaawacmay shilkan baabuur oo lagu dawaynayo cisbitaalka Hargeysa, ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoysaskii xubnihii ka geeriyooday Booliska iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen, waxaanu ILAAHAY uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoysaskoodii, ciidanka Booliska iyo shacbiga Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.

Taliyaha oo shilkan faahfaahin ka bixinaya ayaa waxa uu yidhi “Waxa dhacay shil tiiraanyo leh oo ku yimid ciidan boolis ah oo hawl ka soo laabtay, gaadhi ciidanka boolisku lahaa oo Bol 80 la yidhaahdo iyo gaadhi kale oo shacab ah oo nooc loo yaqaano shaambo ah ayaa shilkaasi ka dhacay. Dhimashadu waxa weeyaan sarkaalkii ciidanka watay iyo laba askari dhaawacuna waa 25 askari.”

Taliye Cabdilaahi Fadal waxa uu intaasi ku daray “Waana shil aad u culus dhamaan ciidanka Booliska Somaliland, waxaanan inta dhimatay ciidanka Booliska Somaliland, waxaanan ILAAHEY uga baryayaa in uu Naxariistii jano ka waraabiyo, inta dhaawacana waxaan ILAAHEY ka rajaynayaa inuu u sahlo oo uu u yasari Shilkaa dhacay arrintiisana waa la baadhayaa, wixii kale ee faah-faahinana marka baadhista la dhameeyo ayaanu dib ka soo sheegi doonaa.”

“Waa Naxdintii ugu cuslayd ee i soo marta intii aan ciidanka Booliska Ku Jiray, waanaynu ku samraynaa, taliya aan ahaado ama hogaan ahaado,”ayuu yidhi Gen. Fadal.

Taliyaha Booliska oo ka hadlayay khasaaraha shilkaasi ee soo gaadhay dadka shacabka ah ee gaadhiga kale watay waxaanu yidhi “Dhinaca shacabka wax ku noqdayna hadaan wax kaaga sheego ilaa hada darawalka iyo kirishbayga ayaa dadka dhintay ku jiray, waxaanay tirada dhimashadu noqonaysaa 5 qof oo shacabka Somaliland ka baxay ”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com