Shil ay ku dhinteen Sadex Askari oo Boolis ah 16 kalena ku dhaawacmeen oo ka dhacay duleedka Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org) shil Baabuur oo maanta ka dhacay duleedka magaalada Haleeya ayaa waxaa ku dhintay ALLE ha u naxariistee Hogaan kuxigeenkii wacyigalinta Booliska Yaasiin Jaamac Ducaale iyo laba askari oo ka mida ciidanka booliska .waxaa kaloo shilkaa baabuurta ku dhintay dirawalkii waday gaadhiga shicibka ah ee ay isku dhaceen.

Shilkan baabuur oo gaadhi askartu wadatay oo ahaa nooca waaraadka iyo gaadhi kale isku dhaceen ayaa waxa ku dhaawacmay in ka badan labaataneeye askari, waxaana inta la og yahay ku dhintay sadex asgari
Magacyada asgarta dhaawacmay
1- C/raxmaan Aadan Diiriye
2- Ismaaciil Cumar Yuusuf
3- Xasan Aadan Dagaal
4- Yaasiin Cige Maxamed
5- Maxamed Cige
6- Nuur Cismaan Yuusuf
7- Muuse Aadan Suldaan
8- Cabdi Xasan Jaamac
9- Bedel Xasan
10- Maxamed Ismaaciil
11- Mustafe C/laahi
12- Cabdi Daa’uud Qalinle
13- Siciid Xasan
14- Maxamed Cabdi Dalal
15- Cabdi Xasan Warsame
16- Axmed Muuse Warsame
Askartan ayaa lagu daaweynayaa cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana soo gaadhay taliyeyaasha kala duwan ee ciidanka Booliska Somaliland iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com