Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbiga ku Bogaadiyay curashada sanadka cusub ee 2013-ka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxmauud (Siilaanyo) ayaa xalay dhambaal Hambalyo ah u diray shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba sanadka cusub ee 2013-ka darteed.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu hambalyo ku saabsan munaasibada dhalashada sannadka cusub ee 2013-ka u dirayaa dhamaanba shacbi weynaha reer Somaliland, munaasibada bilowga sannadka cusub awgeed oo ka mida munaasibadaha fasaxa qaran, waxa uu hambalyo u dirayaa dhamaanba shaqaalaha kala duwan ee dawladda ee shaqooyinka ka nasanaya, Gollayaasha qaranka iyo dhamaanba shacbiga reer somaliland meel kastay joogaanba.

Madaxweynuhu waxa uu illaahay uga rajaynayaa in sannadkan kiisa kale ay ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo horumar, sidoo kale shucuubta aduunka waxa uu u rajeeyey horumar iyo nabadgelyo.

Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com